|
Baardheere 20 Jan. 07 (Baardhere.com)-warar
ay tebiyeen idaacadaha ayaa sheeegay in buundada Baardheere, xaruunta
jameecada ugu da’da weyn ee Soomalia, ayaa go’day waxaana la sheegay in uu
halkaas ku dhintay wiil yar oo isaga oo buundada ku kor socda ku dhacay
webiga isagoo doonayay in uu uga talaabo magaalada dhanka kale.
Burburka soo gaaray Buundada Degmada
Baardheere ayaa waxaa ay saameeyn durbaba ku yeelatay isku soocodka dadka
iyo gaadiidka ee degmadaasi
waxaana uu hakad ku yimid ardaydii wax ka barn jirtay magaalada Gudaheeda,
waalidintana waxaa ay ka digeen in ayan marin buundada marka ay doonayaan
in ay gaaraan goobaha wax barashada iyagoo ka baqdin qaba in ay ku dhacaan
wabiga.
Waxaa la sheegay in baarbuuro
fara badan oo siday xamuul ay ku xayirmeen . Xamuulkaas waxaa inta badan loo
siday qeeybo ka mida gobolka Gedo gaar haan degaanka Ceelwaaq, kuwaas oo
markii dambe loo wareejiyey dhinaca degaanka Bu’aale.
Odayaal wax garad ah oo Baardhere.com u
waramey ayaa sheegay in buundada si weyn dhaawac u gaarey oo gabi ahaanba
go’antahay oo ayan jirin wax isticmaalo, haddii ay noqon lahayd gaadiid, dad
iyo xoolaba.
Burburkan xoogan oo ku yimid buundada
Baardheere ayaa soo af-jaraaya xuduntii isku xireysay magaalada Baardhere
iyo gobolkii Gedo oo la curtay dhismaha buundada. Taas oo runtii keentay dagaalo
badan, hoog iyo colaado . Waxgaradka iyo maamulka degamada Baardheere ayaa qirey
in xakaar badan ooga timid gaar ahaan markii askartii siyad Barre iyo
caydiid ay hor iyo gadaal ugu dul soconayeen dadka degaanka.
Arrintan ayaa ku soo beegantey iyadooo
gobolka Gedo weligiisba dhibaato ka jirto iyo dadka deegaanadaasi ku nool oo
ku tiirsan waxa ooga soo gudba bundada Baardheere.
|