Tacsi: Inaa lillaahi Wa Inaa Ileyhu Raajicuun

Anagoo ah Jaalliyada reer Baardhere ee ku nool qurbaha, waxaan halkan tacsi murugo leh uga direynaa dhamaan caruurtii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Xaaji Cabdimaliik Cabdalla oo dhowaan xijaabtay. Waxaan sidoo kale tacsi u direynaa jameecada baardhere iyo dadkii yaqaaney marxuumka.

Waxaa si qaas ah tacsi halkan uga diraya:

1. Cumar Cabdulqadir Sheikh (Dr Cumarey)

2. Cabdiraxman Xuseen Sheikh Cali(Dr Inow)

3. Ustad Cabdullahi Amiin Sayid Cali iyo xaaskiisa Xalima Sayid

4. Cabdulcasis Daahir Shabeel

5. Sahra Cabdulqadir Sheikh

6. Xaajiya Xabiiba Cabduladhif Sheikh

7. Fadumo Cabduladhif Sheikh iyo Duqeeda Cali Nuur

8. Mursal Cabdulqadir Sheikh

9. Safiya Cabdulqadir Sheikh

10. Maxamed Cabdi Aaney iyo xaaskiisa Raxma Bullow

11. Xabiba Bullow Sheikh Cabdisalaam

12. Maxamed Cabdey Cabdisalaam iyo Xaaskiisa Faduma Axmed Nur

13. Falastiin Maxamed Nuur (Helloman)

14. Mukhtar Sheikh Cabdiraxman Irdhe

Xaaji Cabdimaliik Cabdalla wuxuu ahaa qof shaqsiyad weyn leh oo qayb libaax ka qaadan jirey horumarinta jameecada baardhere. Wuxuu ahaa, ganacsade aad loo yaqaano, isla markaana qayb muhim ah kaga jirey wax soo saarka sida ganacsiga, gaadiidka iyo beeraha ay baardhere caanka ku tahay.

Marxuum Xaaji Cabdimaliik Cabdalla; Alle ha u naxariisto, jannana haka waraabiyo, samir iyo iimaanna ha inaga wada siiyo

Aamin Aamin Aamin


webmaster@baardhere.com

href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com