![]() Reer Baardheere oo Kulan Heer Sare ah ku Qabtay Dalka
Sweden. Talaado 17 Luliyo, 2007 (baardhere.com) Waxa habeenkii xalay ee Isniinta ee bishuna ahayd 16 Luliyo la qabtay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalada Västerås ee Sweden. Xafladaas oo ahayd gunaanad shir maalmahanba u socday dad ka soo jeeda degmada Baardhere.
Xafladaas ayaa waxaa isugu yimid dad kontomeeyo kor u dhaafay oo ka soo jeeda
Jameecada Baardhere. Xafladaas waxaa soo qaban qaabiyeen Ururka Jameecada
baardhere ee Sweden. Munaasabadaa waxa ka soo qeyb galay dad ka kala yimid
gobolo kala duwan ee wadanka Sweden.
Xafladaas waxa lagu furay aayado quraan ah oo uu akhriyey Sheikh Maxamed Cabdi Aaney, Quraanka ka dib waxa hadal soo dhaweyn iyo mahad naq ka jeediyey Guddomiyaha ururka Jamac Cilmi Maxamud, wuxuuna sheegay in ururka uu ka shaqeyn doono danaha xubnaha iyo bulashada reer baardhere. Waxaa isna halkaas ka hadley Dr Cabdiraxman Xuseen Sheikh Cali (oo ku magac dheer Inow)oo ah aqoonyahan isla markaana ku xeel dheer taariikhda Soomalia, ahna marti sharaf ka yimid dalka Ingriisska. Wuxuu halkaas ka sheegay in Jameecada baardhere ay tahay ismaamul nidaamsan oo hab dawladeed ah ee jirey gudaha Soomaliya imaanshaha gumeysiga ka hor ilaa hadda, Inkastoo ay dhibaato la soo gudboonaatey waayahan dambe. Waxaa halkaas la isku dhaafsadey araa sidii magaalada baardhere loogu soo celin lahaa hab dhaqameedki lagu yaqiinay. Waxaa halkaas lagu sameeyey guddiyo ka soo baaran dega kana soo tala bixiya sidii wax looga qaban lahaa arimahaas, horumarna looga gaari lahaa. Dr Omar Abdurahman |