![]() 17ka Disember waa Maalin Baroordiiq iyo Tiiraanyo Jameecadda Baardheere Waxaa ka soo wareegatey muddo shan iyo toban sannadood ah maalintii17 disember, 1992, taariikhdaas oo si fuleynimo, gardaro iyo waxashnimo ku jirta loo diley Ulul-Amrihii Jameecadda Baardheere, sheikhii caalimka ahaa oo cabsida Illah aad ugu dheerayd Sheikh Mursal Moallim Aliyow isagoo gurigiisa jooga.. Waxaa weli la is weydiinayaa oo la fahmi la’yahay dilka gardarda iyo waxashnimada leh ee loo geystey Ulul-Amraha Jameecada Baardhere. Waxaan tacsi, tiiraanyo iyo murugo badan oo sannad kasta sii kordheysa u direynaa gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii Sheikha ka geeriyooday, guud ahaana dhamaan dadka Jameecada Baardhere. Jameecooy waxaan idinla wadaagnaa carada iyo calool xumada dilka Sheikha, waxaana ilaa hadda is-weydiina: Sida ay ku dhacdey arrintaas?! Sheikh Mursal maxaa loo diley? Waxaa la yaab iyo quursi leh in aan weli cidna loo soo qaban oo sharci ama xeer la soo hortaagin dilkaas gardarada iyo foolxumada badan iyadoo ka soo wareegtey muddadaas dheer ee 15ka sannadood. Sheikh Mursal wuxuu ahaa Ulul-Amrihii 12aad ee Jameecadda Baardheere, caalim ku xeel dheer faracyada cilmiga diinta islaamka sida fiqiga, tafsiirka, axaadiista iyo naxwaha. Wuxuu ahaa Sheikh wax ka akhriya masaajidka Jaamaca Baardhere iyo masjidyo kale intaba. Wuxuu ahaa qaadi xaakim caadil ah oo suluxna dadka ku kala bixiya oo xukunkiisa lagu kalsoonyahay. Wuxuu ahaa dhabiib dadka daaweeya, u duceeya, dadka fara xasanaadka, ka celiya xumaha! Wuxuu ahaa wuxuu ahaa walaal ay dadka jecelyihiin, wuxuu ahaa adoon Alle oo saalix ah. Waxaa lagu yaqaanay in uu jidka edebta ugu fiican ku maro oo aan xitaa madaxiisa kor u qaadin, dhinaciisana fiirin. Wuxuu ahaa hogaamiyaha jameecada oo ay dadka jecelyihiin. Sheikh Mursal wuxuu ku dhashay Baardhere qiaystii 1927, isla markaana wuxuu ku barbaarey Baardhere. Wuxuu quraanka iyo ciliga diinta islaamka ku bartay Baardhere iyo degaamo kale ee konfurta Soomaaliya. Wuxuu noqdey Ulul-Amraha jameecada markii u geeriyooday Ulul-Amrihii ka horeeyey Xaji Cabdulcasis Sheikh Cali Moallin sanadkii 1967. Sheikh Mursal wuxuu qabtey mamulka jameecada markii dadweynaha lixda firqadood ay si wadajir ah ugu doorteen in uu hoggaamiyo maamulka jameecada Baardhere. Sheikh Mursal wuxuu bare ka ahaa culuunta shareecada islaamka, wuxuu casharo ka bixinjirey masaajidka jaamaca Baardhere. Wuxuuna ka mid ahaa dadka sida weyn u soo fidiyey diinta islaamka iyo naxwaha afka carabiga. Intii uu haayey welinimada jameecada Baardhere waxaa jameecada sida dalka intiisa kale la soo gudboonaadey jahawareer weyn oo aan horey loo arag. Waxaa awoodii xukuumada Somalia la wareegey militeri oo ku caan baxday xoog sheegasho, qab weyni iyo maamul xumo. Ficiladaasi waxay sababeen dib-u-dhac dhaqaale, cadaalad xumo iyo guud ahaan burbur qaabdhismeeddkii bulshada. Markii si lama filaan ah u burburey maamulkii militeriga, talana faraha ka baxdey jameecada Baardhere waxaa qabsadey masiibo weyn oo col iyo gaajo ah. Ummadii waxaa lagu ridey argagax, naftoodi waa la gooyey, xoolohoodi waa la dhacay, bakaarahoodi waa la furtey, dumarkoodi waa la xumeeyey, culumadii lagu xadgubey. Baardheere iyo Baidoa waxay ku tartameen magac magaalooyinkii geerida. Maalin walba waxaa macluul, gaajo iyo dagaal u dhimanjirtey in ka badan 200 ruux. Marka aan soo koobo Baardhere waxay meelaha aadka loogu hoobtey naf iyo maalba oo dabka colaada aan ka damin. Cid badbaadey in aaney jirin waxaa ka marqaati aha ulul Amrihii Sheikh Mursal oo la la dilay maalintii 17kii Disember 1992. 17ka disember waa maalin Baroordiiq iyo Tiiraanyo jameecadda Baardhere Tafaftiraha Baardhere.comwebmaster@baardhere.com |