Kooxda Asmara oo ku dhawaaqday in muddo bil gudaheed ay dalka uga saari doonaan Xoogaga Ethiopia.

Muqdisho, 11-Sept-2007@[Baardhere.com Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ee shirka uga socda magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa sheegay in muddo bilo ah gudaheed ay ciidamada Itoobiya uga saarayaan dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay kooxadaas oo lagu Magacabo Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray xoogagga xoreynta ee ka dagaalamaya Soomaaliya in ay soo xoogeysanayaan maalinba maalinta ka dambeysa.

Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxaa ku sugan hoggaamiyaal fara badan oo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya Soomaaliya.

Lama oga awooda ay kula dagaalamayaan kooxda Itoobiya taageersan ee hadda Maamulka dalka gacantooda ku jira halka ay ka keeni doonaan maadama Ereteriya xuduud la lahayn Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay sameyn doonaan talis dhexe marka ay dhisaan urur ay ku mideysan yihiin.


Sarkaal ka tirsan hay’adda WHO oo maanta lagu dilay magaalada Caabudwaaq
 

September 11, 2007 007@[Baardhere.com]  Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda WHO ayaa lagu diley magaalada Caabdu waaq ee gobolka G/gaduud ee bartamaha waddanka Somalia.

Sida aan ka soo xiganey shabakada MarkaCaddey, Sarkaalkan oo lagu magacaabi jirey Faarax Warsame ahaana wakiilka hay’adda WHO ee howlaha talaalka ugu qaabilsanaa magaalada Caabud Waaq ayaa waxaa toogasho ku diley kooxo hubeysan abaaro 11:30 barqanimo, xilli uu soo xirayey olole talaal oo soconayey muddo seddex maalmood ah.

Sida ay ku warameen Dadka deegaanka, dilka sarkaalkan ayaa waxa uu la xiriiraa aano qabiil, waxana uu sababey in xiisado ay ka dhalato magaalada Caabud waaq taasoo ku aaddan dilka sarkaalkani.

Sarkaalkan ayaa xilligii dilkiisa uu dhacayey waxaa la socdey saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda QM u qaabilsan dhinaca caafimaadka WHO.

Meydka sarkaalkan ayaa waxa durba halkaasi ka qaadey eheladiisa, iyadoo isla maanta loo diyaarinayo in lagu aaso magaalada Caabud waaq.

Dadka magaalada Caabud waaq ayaa wal wal ka muujiyey dilka sarkaalkaasi oo ay ku tilmaameen in uu yahay wax laga xumaado.

Sarkaalkani ayaa 4tii sano ee laga soo gudbey waxa uu wakiil u ahaa ururka caafimaadka adduunka (WHO) magaalada Caabud waaq,iyadoo dadka deegaankuna ay ku tilmaameen marxuumka la diley in uu ahaa qof shaqsiyad wanaagsan lahaa.
 

Abdiaziz Hassan Mohamed (Golf)
BMC: Muqdisho, Somalia

webmaster@baardhere.com
href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com