Muqdisho,
08-Sept-2007@[Baardhere.com]
Ciidamo fara badan oo Ethiopian ah
ayaa saaka iyagoo Taangiyadooda wata soo galay qeybo ka mid ah Magaalada
Muqdisho, iyadoona xalay weerar ba'an lagu qaaday Fariisimo ay leeyihiin.
Ciidamada Ethiopia ayaa saaka lagu arkay dhowr xaafadood
oo ay ka mid yihiin Suuqa Xoolaha, Sos iyo Xaafadaha u dhowr Fariisinka
ay ku leeyihiin Xaruntii Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.
Dadka Deegeenka ayaa mar qura ka argagaxay soo
gelitaanka Ciidamadan oo ahaa kuwo aad u feejigan, iyadoo xaafadaha
qaarna ay la soo galeen Taangiyadooda.
Kooxo aan la garaneyn ayaa xalay weerar ku qaaday
Fariisimada ciidamada Ethiopia ay ku leyihiin garoonka Stadium Muqdisho,
iyadoo aan la ogeyn qasaaraha soo kala gaaray.
Warar la helayo ayaa sheegaya in iska hor imaadyada
xalay ka dhacay Agagaarka Stadium Muqdisho ay ku dhaawacmeen Labo
gabdhood oo rasaas habow ah ay guryahooda ugu tagtay.
Deegaanka Cali Kamiin iyo Xamar jadiid ayaa ka mid ah
goobaha Ciidamadan lagu arkay oo wado walba taagan, kuwaasoo ahaa kuwo
taagna wado walba.
Dhinaca kale soo gelitaanka Ciidamada Ethiopia ee Qeybo
ka mid ah Degmada Huriwaa ayaa ka dambeysay kadib markii maalinimadii
shalay ay Ciidamadii booliska ay halkaas faarujiyeen.
Si kastaba ha ahaatee Wali waxaa ka jira magaalada
Muqdisho rabshado iyo waliba iska horimaadyo joogto ah oo dhex mara
ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo inta
badana dad rayid ah ay ku aafoobaan tacshiiradaha ay isdhaafsadaan.
Xaalada
Wiil dhalinyaro Mu'aadin ka ahaa Masjid ku yaal Shibis oo ay dhaawaceen
Ciidamada Booliska ayaa laga deyrinayaa.
Muqdisho,
08-Sept-2007@[Baardhere.com]
Waxaa aad looga deyrinayaa
Xaalada wiil dhalinyaro ah oo Mu'aadin ka ahaa Masjidul Rowda ee Degmada
Shibis, kaasoo ay dhaawaceen Ciidamada Booliska Dowladda.
Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda oo howlo roondeyn ah
ku marayay Xaafado ka tirsan Degmada Shibis ayaa si miyir la'aan ah
rasaas ugu furay Wiilka Mu'aadinka ahaa, xilli uu ku sugnaa Gudaha
Masjidka kadib salaadii Cishaha.
Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in dhacdadan oo aheyd mid
aad looga naxo ay Ciidamada rasaasta ay ugu dhex bixiyeen Dariishada
Masaajidka, taasoo ka haleeshay Madaxa.
Dhaawaca Mu'adinkan ayaa la dhigay Cusbitaalka Keysaney,
iyadoo uu xaalad kooma ah ku jiro.
Ehelada wiilka Mu'adinka oo lagu Magacaabo Bashiir ayaa
sheegay in wiilkooda falka lagu dhaawacay ay tahay mid gardaro ah,
isagoo waliba ku jiray Beytka Ilaahey.
Ciidamada Booliska iyo kuwa Dowladda ayaa lagu eedeeyaa
in ay gabood fallo ka geystaan Magaalada Muqdisho, waxaana maalmahan ay
ugaarsi kala duwan ku hayeen dadka wadaadada ah oo aad ugu dhegan Diinta,
iyadoo sidoo kalena ay jirto in Macalimiin badan oo Dugsi quraan ah ay
qafaasheen.
WFP oo
Gargaar Caalami ah u dalabtay Kumanaan Kun oo Soomaaliyed oo ka
barakacaya Colaado iyo abaaro ka dhacay dalka
Muqdisho,
08-Sept-2007@[Baardhere.com]
Hay'adda Qaramada Midoobay
u qaabilsan cuntada ee marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano WFP
ayaa sheegtay in ay si deg deg ah ugu baahan tahay 22.4 million oo
doolar oo lagu iibiyo cunto samafal ah oo lagu quudiyo 1.2 milyan oo
Soomaali ah kuwaas oo ka barakacay colaado iyo abaaro ka jira dalkooda.
WFP waxay doonaysaa in Beesha Caalamka si deg deg ah ugu
jawaaban baahida dadka Soomaaliyed, Haddii lacagtan la helo WFP waxa ay
awood u heli doontaa inay soo iibiso 17,000 oo tan oo raashin oo lagu
daboolo cunta yaraanta jirta maadaama tirada Soomaalida isku haleenaysa
gargaarka bani'aadnimo ay gaartay 1.2 milyan oo dad ah, sida uu sheegay
agaasimaha WFP ee Soomaaliya Peter Goossens.
Dhamaadkii Sanadkii hore markii Ciidamada wada socda ee
Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ay la wareegeen Caasimadda Muqdisho
waxaa Magaalada ka dhacay dagaal faraha looga gubtay dagaalkaas oo
sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac aad u weyn, sidoo kale warbixin
laga helay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 18000 oo ruux ka
qaxeen bishoo Ogoste Magaalada Muqdisho Labo Xaafadood oo ka tirsan.
Afhayeenka u hadlay WFP waxaa uu sheegay in afar bilood
ay ku qaadanayso sidii gargaar cunto loo gaarsiin lahaa dadka u baahan,
isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay lacago kaash ah maadaama
raashinka laga soo iibinayo wadamada deriska la ah Soomaaliya.
Dadka dhaliila howlaha ay qabato WFP waxay sheegayan
inaan raashinka sidii loo baahnaa loo gaarsiinaynin dadka baahan, sabab
lagu sheegay raashin fara badan oo WFP leedahay oo lagu arkay suuqyada
Muqdisho ayadoo la iibinayo.
Magaalada
Muqdisho oo saaka xasilooni aan caga adag ku taagneyn ku waabariisatay.
Muqdisho,
08-Sept-2007@[Baardhere.com]
Inkastoo xaaladda
Magaalada Muqdisho ay saakay xasilooni aan caga adag ku taagneyn ku
waabariisatay, ayaa xalay waxaa ka dhacay weeraro culus oo lagu qaaday
fariisimo ay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG ku lahaayeen
degaano ka mid ah Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Kooxo ku hubaysan gantaalaha garabka laga rido ee
Baasuukayaasha iyo rasaasta daran-dooriga u dhacda ayaa weerar ku qaaday
garoonka K/cagta ee Stadium Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamo Ethiopia oo
halkaasi fariisin ka dhigtay wixii ka dambeeyey Dagaalkii kululaa ee ee
bilihii Marso iyo Apriil ka dhacay Muqdisho.
Ciidamada Ethiopia ayaa weerarkaas kaga jawaabay rasaas
xooggan oo ay madaafiic ku jirtay, iyagoona intaa ka dib la soo baxay
dabaabadaha dagaalka gaar ahaan Taangiyada oo ay xaafadaha dhaxdooda
lasoo galeen, walow ay goor dambe dib uga laabteen fariisankooda.
Sidoo kale weeraro qaraxyo xambaarsanaa ayaa xalay
fiidkii ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Sodonka, kuwaasi oo u dhaxeeyey
Ciidamada Dowladda KMG ee halkaasi ku sugan iyo kooxaha ku kacsan ee
weerarada la beegsada inta badan.
Ugu yaraan Laba caruur ah oo ay da'doodu u dhaxayso
3-ilaa-4-sano jir ayaa inta la ogyahay ku dhaawacmay iska hor imaadyadii
xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Caasimadda.
Qeybo ka
mid ah Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo dib u howl galay, iyadoo Ciidamadii
Dowladda ay isaga baxeen Suuqaas.
Muqdisho,
08-Sept-2007@[Baardhere.com]
Xaaladda suuqa Bakaaraha
oo Maalmihii ugu dambeeyay ka socdeen qeybo ka mid ah Suuqaas rabshado u
dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kooxo ka tirsan Maleeshiyaadka
kacdoonka ka wada Soomaaliya ayaa saakay dagan, iyadoo ganacsatada ay
dib u fureen goobahooda ganacsi.
Dhamaan Waddooyinka soo gala Suuqa ayaan lagu arkin
Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka marka laga reebo Isgoyska
Bakaaraha oo lagu arkayay Ciidamo tiro yar oo Boolis ah.
Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya waxaa
haystay muddooyinkii dambe mushkilad dhinaca Nabadgalyada ah kadib
markii suuqa ku soo bateen kooxaha ugaarsada dadka aan waxba galabsan.
Ganacsiga ayaa guud ahaan furan saaka, mana jiraan wax
iska hor imaadyo ah oo Suuqa laga maqlay saaka, waxaana la arkayay
boqolaal dadweyne oo caadi u wata howshooda Ganacsi.
Dhinaca kale waxaa socda kulan la filayo in saacadaha
soo socda yeeshaan Ganacsatada Gobolka Banaadir kaas oo looga hadlayo
ammaanka Suuqa sidii loo adkeyn lahaa.
Abdiaziz Hassan
Mohamed (Golf)
BMC: Muqdisho Office, Somalia