Xubnaha Maxkamadihii Islaamiga, Baarlamaanka Xorta iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed oo manta ka hadlay Shirkii Asmara ka furmay.

Muqdisho, 06-Sept-2007@[Baardhere.com]   Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta, Maxkamadihii Islaamiga iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa manta ka hadlay Kulankii Asmara ugaga furmay.

Shirweynaha xubnahani ugaga furmay Magaalada Asmara oo ka dhan ah Dowladda Kmg ah iyo kuwa Ethiopia ee taageeraya, ayaa loogu magac daray Shirweynaha Xureynta iyo Dib u soo nooleynta Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasankii Baarlamaanka, Xuseen Ceydiid iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegay in si weyn ay ugu soo dhex muuqdeen shirkaas, inkastoo Sheekh Xasan Dahir uusan ka hadlin.

Xuseen Ceydiid oo hadalo ka jeediyay Kulanka ayaa Ergooyinka shirweynahaas weydiistay in ay ka cafiyaan, hadalkii uu ku sheegay in Baasaboorka Ethiopia iyo Soomaaliya mid laga dhigo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadalo kooban kulankaas ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga goleeyahay sidii dalka looga xureyn lahaa Ethiopia.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Hogaamiyaha Maxkamadaha ayaa mar uu ka hadlayay Hadafka Shirweynaha ayaa waxa uu sheegay in ujeedada shirkan uu yahay sidii ay u aas aasi lahaayeen Isbaheysi u istaaga xureynta Dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sheekha ayaa ka digay dagaal daba dheeraada oo ku fida wadamada Deriska la ah Soomaaliya isagoo yiri "Inta Dagaalka uusan daba dheeraan, Ethiopia Dalka ha isaga baxdo, waxaa hubaal ah in dagaalkan uu ku fidiyo Wadamada Geeska Afrika ".

Furitaanka Shirweynahan ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa 280 ergo oo ka kala yimid Gudaha iyo Dibada Soomaaliya, iyadoona wakiilo ka socday wadamada caalamka lagu arkayay Hoolka Shirarka.

 

Shirweynaha ayaa socon doona muddo todobaad, waxaana shirkan lagu aas aasi doono isbaheysi guluf colaadeed la geli doona Xoogaga Ethiopia iyo Dowladda Kmg ah.


 

Ra'iisul Wasaare Geeddi oo lagu wado in Dalka Jabuuti kula kulmo Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadihii Islaamiga.

 

Muqdisho, 06-Sept-2007@[Baardhere.com]    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo manta u dhoofay Dalka Jabuuti ayaa la filayaa inuu halkaas kula kulmo xubno ka tirsan Maxaakimta.

Wafdi Ballaaran oo uu horkacayo Ra'iisul Wasaaraha oo manta ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa warar la helayo ay sheegayaan in halkaas isku arki doono Xubno ka tirsan Maxkamadaha.

 

Afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka ayaa daboolka ka qaaday in xubno ka tirsan Maxkamadihii Islaamiga ee laga awood roonaaday oo la qorsheynayo in ay halkaasi kulan ku yeeshaan looga wada hadlayo sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen labada dhinac.

 

Maxamuud Sayid Aadan oo ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in xubno Maxkamadaha ka tirsan uu kula kulmayo halkaas, ayna ka wada hadli doonaan sidii labada dhinaca ay u yeelan lahaayeen aragto hordhac ah oo isu soo dhoweyn karta sidii wada hadal loogu dhameyn lahaa khilaafka taagan.

 

Magaalada Jabuuti ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ay xarun Transid u noqotay kooxaha uu shirka maanta uga furmay magaalada Asmara halkaasoo laga yaabo in qaar ka tirsan mas'uuliyiintii maxkamadaha ay Jabuuti ku sugan yihiin, lagana yaabo iney wada hadal la yeeshaan wafdiga Ra'iisul Wasaaraha.


 

Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo wafdi uu hogaaminayo oo manta booqasho ku tagay Magaalada Buurhakaba.

 

Muqdisho, 06-Sept-2007@[Baardhere.com]    Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay Xaaji Maxamuud Barbaar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta booqasho ku tagay Magaalada Buur Hakaba ee Gobolka Baay.

 

Socdaalka Gudoomiyaha Gobolka Baay Xaaji Barbaar ayaa waxaa ku wehliya Gudoomiyaha Degmada Buur Hakaba Maxamed Cabdi Xuseen (Owkaarey), Gudoomiyaha Degmada Qansax Dheere.

 

Guddoomiyaha iyo xubnihii la socday oo kulan saacado qaatay la yeeshay odayaasha iyo saraakiisha ku sugan Buur Hakaba kadib ayey ku laabteen magaalada Baydhabo halkaasoo ay awal ka soo ambabaxeen.

Warar hoose ayaa sheegaya in booqashadan iyo mas'uuliyiinta gobolka Baay ay la xiriirto sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii ka dhashay maamulka sare iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Buur Hakaba iyo Qansax Dheere ee sababay in xabsiga loo taxaabo mas'uuliyiinta degmooyinkaas oo mud lix maalmood ah xirnaa iyo sidii loo dhameyn lahaa.


Sheekh Aadan Madoobe oo dadaal ugu jira dhex dhexaadinta Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo khilaaf uu soo kala dhex galay.

Muqdisho, 06-Sept-2007@[Baardhere.com]    Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobo ayaa soo fara geliyay Khilaafka dhinaca Maaliyada ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Ilo wareedo ku dhow dhow Dowladda ayaa sheegaya in Afhayeenka Baarlamaanka uu soo dhex galay Khilaafka u dhaxeeya Madaxwene C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geeddi oo xilligan u dhaxeeya khilaafkii ugu darnaa.

Khilaafkan ayaa waxa uu salka ku haaya sida la sheegay lacago laga keenay Sacuudiga, iyadoo Madaxweynuhu soo daabacday Lacago faalso ah oo tii ugu badneyd xilligan taala Xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Ra'iisal wasaare Geeddi ayaa la sheegay inuu ku shubtay Banki Lacag fara badan oo uu ka keenay Sacuudiga kol hore balse Madaxweynuhu ayaa ka dalbaday Ra'iisul Wasaaraha inuu lacagtaas ku soo celiyo gacanta Dowladda.

Loolanka dhinaca Maaliyada ee Labadan Mas'uul ka dhaxeeya ayaa si weyn looga dareemay Fadhiyada Baarlamaanka, oo maalmihii la soo dhaafay loogaga hadlayay Arrimaha Miisaaniyada Baarlamaanka iyo mushaaraadka ay qaadanayaan.

Arrimaha kale ee labada Mas'uul isku haystaan ayaa waxay tahay awooda dhinaca Maamulka oo la sheegay in mid walba shirkado shisheeye heshiis kula galay bariis lagu sameeyo shidaalka ku jira dhulka Soomaaliya.

Abdiaziz Hassan Mohamed (Golf)
B
MC: Muqdisho Office, Somalia

 


Shabakadda Baardhere.com


webmaster@baardhere.com

href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com