Madaxweyne Geelle "Anigu waxaan aamisanahay in xilligan Muqdisho aanay ku sugneyn Argagixiso, balse ay joogaan kooxo diidan Ciidamada Ethiopia oo weeraro ku qaada".

 

Muqdisho, 01-Sept-2007@[Baardhere.com]  Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Dr. Cusmaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in Muqdisho aysan xilligan joogin wax la yiraahdo Argagixiso.

 

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Dowladda mar waliba ay sheegto weerarada lagu qaaday in ay ka dambeyaan Kooxo Argagixiso,laakiin fikirkaas ayuu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

 

Waxa uu sheegay in joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya ay jiraan kooxo diidan oo had iyo jeer weeraro ku qaada sida uu hadalka u dhigay.

 

Kooxaha weerarada ku qaada Ciidamada Ethiopia, waa dad soomaaliyeed ee diidan joogitaanka Ethiopia, waa in dadkaas xal loo helo, balse ma ahan in la dhaho argagixiso ayaa joogta Soomaaliya ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti oo wariyeyaasha ugu waramayay Magaalada Jabuuti.

 

Waxa uu meesha ka saaray Madaxweyne Geelle in Dagaalada ka socda Muqdisho aysan wax lug ah ku laheyn kooxo Argagixiso, waxa uuna sheegay in kooxaha isku diidan siyaasada ay lagama maarmaan u tahay in ay wada hadlaan si meesha looga saaro colaadaha ay ku daadanayaan dhiiga faraha badan.

 

Waa markii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Geelle uu ka dhawaajiyo in Dagaalada ka socda Soomaaliya aysan ku lug laheyn Shisheeye, iyadoo Dowladana ay aaminsan tahay in kooxo argagixiso oo shisheeye ay ku lug leedahay weerarada qaraxyada ah ee lagu soo qaado.


Shirkii Asmara ee Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda uga furmi lahaa manta oo dib u dhac ku yimid.

Muqdisho, 01-Sept-2007@[Baardhere.com]  Shirkii Asmara ee manta ugaga furmi lahaa Kooxaha mucaaradsan Dowladda Federaalka ayaa dib u dhac ku yimid.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka, haatanse ka mid ah Xubnaha ku kacsan Dowladda ayaa sheegay in dib loo dhigay Kulankii ay ku qaban lahaayeen Asmara ee Dalka Eritrea.

Shariifka oo ku sugan Magaalada Asmara ayaa ku tilmaamay dib u dhaca ku yimid shirkooda inuu yahay arrimo farsamo iyo ergooyinkii ka qeyb qaadan lahaa kulankood oo aan intooda badan soo xaadirin.

Shirka waxaan rajeyneynaa inuu qabsoomo maalinta Khamiista, sababaha uu dib u dhaca uu ku yimid waa arrimo farsamo ayuu yiri Shariifkii hore ee Baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa sheegay in shirkan aanu aheyn mid siyaasadeed oo ujeedo iyo dan gaar ah laga leeyahay balse uu yahay shirkan mid lagu xureynayo dalka iyo dadka Soomaaliya sida uu yiri.

Shirkan ka furmaya Asmara ayaa hadal heyntiisa aad looga dareemayaa Gudaha iyo Dibada,iyadoo ergada ka qeyb qaadaneysa la sheegayo in ay ka imaanayaan gudaha dalka iyo dibedaba.

Hogaamiyeyaasha Shirkan qaban qaabiyay oo kala ah Xubnihii Maxaakimta ee uu Sheekh Shariif ugu horeeyay iyo Xildhibaanadii horay Jagadoodii laga qaaday ee uu hogaaminayo Shariif Xasan ayaa horay u qaadacay Kulankii Dib u Heshiisiinta ee socda 45-ta cisho, kaasoo khamiistii la soo gaba gabeeyay.


Qarax Miino ayaa saaka ka dhacay Wadada Afisyooni kaasoo lala beegsaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Dowladda.

Muqdisho, 01-Sept-2007@[Baardhere.com]  Qarax Xoogan ayaa saaka laga maqlay Wadada Afisyoni, kaasoo ahaa qarax Miino oo lala beegsanayay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Sawaxanka Qaraxan oo loo adeegsaday Miinada kuwa dhulka lagu aaso ee gacmaha laga hago ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah Caasimada Muqdisho, kaasoo dadka dhulka la gil gilay.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa la tilmaamay in qaxan lagu bartilmaameedsaday, iyadoo ay ka soo baxayaan warar kala duwan.

Dad Goob joogayaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa kadib ay rideen Ciidamada Dowladda rasaas aad u fara badan, waxaana warar qaar ahi ay sheegayaan in qaraxan qasaaro ka soo gaaray Ciidamada.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa isku gadaamay ciidamo ka tirsan Dowladda oo howlo baaritaano ah ka wada, iyagoo istaajiyay isu socodkii Gaadiidka iyo Dadka.


Ilaa Labo Ruux ayaa xalay ku geeriyooday Iska hor imaadyo iyo shaqaaqado xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Caasimada Soomaaliya.

Muqdisho, 01-Sept-2007@[Baardhere.com]   Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Iska Hor imaadyo iyo shaqaaqado dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Labo ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray iska horimaadyo iyo shaqaaqooyin xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Iska Hor imaadyo hubka noocdyadiisa kala duwan la isugu adeegsaday ayaa xalay ka dhacay Degmooyinka Dharkeenley iyo Degmada Huriwaa oo ah Degmada Rabshadaha ay la dageen.

Sida uu Sheegay Afhayeenka Ciidamada Booliska C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa tibaaxay in ilaa hal ruux uu ku dhintay iska hor imaad xalay ka dhacay Degmada Dharkeenley, kaasoo uu sheegay in kooxo Hubeysan ay weerar ku qaadeen Ciidamo Boolis ah oo roondeynayay.

Sidoo kale iska hor imaadyo culus oo xalay ka dhacay Degmada Huriwaa ayaan la garaneyn qasaaraha soo gaaray, waxaase iska hor imaadyada ka hor qof rayid ah oo kooxo hubeysan ay guriga ugu galeen ay toogasho ku dileen.

Goobaha Caafimaadka ee Muqdisho ayaa iyana warar naga soo gaaraya ay sheegayaan in dhaawacyada ku dhowaad tobaneeyo la geeyay halkaas, kuwaasoo la sheegay in ay ku soo dhaawacmeen shaqaaqooyinkii xalay ka dhacay Magaalada.

Mowjadaha isugu jira qaraxyada iyo rabshadaha ka aloosan Magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, waxa ayna intooda badan ay galaafteen dad fara badan oo rayid ah bilihii la soo dhaafay.


Odaaasha Hawiye garabka Mucaaradsan Dowladda oo sheegay in aysan ka qeyb galeyn Shirka Asmara ka dhici doona.

Muqdisho, 01-Sept-2007@[Baardhere.com]  Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa qaadacay shirka lagu wado in maalinta khamiista ee soo socota inuu ka fumo Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

Odayaasha Hawiye garabka Mucaaradsan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan ka qeyb galeyn Kulanka ay qaban qaabinayaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ee ku sugan Eritrea.

Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Garabka Odayaasha Hawiye ee uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in aysan suurta gal aheyn in ay ka qeyb galaan shirka Asmara ee qabsoomaya lixda bishan September.

Shirka waa nagula casuumay, oo waxaaba naloo balan qaaday duulimaadyadii aan ku tagi laheyn Asmara, laakiin shirkaas Odayaasha hawiye ma quseeya ayuu yiri Axmed Diiriye oo intaa ku daraya, in shirka kuwa wada ay yihiin dad dano gaar ah wata.

Waxa uu ku macneeyay sababaha ay uga baaqanayaan shirkaas in ay tahay iyadoo ay wataan dad gaar ah oo Soomaaliya aaney isugu imaaneyn oo marnaba aanu quseyn golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye.

Duubabka Dhaqanka Soomaalida iyo Odayaasha Hawiye Garabyada ay hogaamiyaan Xaad iyo Axmed Diiriye ayaa shalay kulan ay ku yeesheen Hotelka Ramadaan ayaa waxa sheegeen in ay gaareen is faham iyo sidii ay u kuntan lahaayeen wax u qabashada dhibaatooyinka heysta shacabka Muqdisho.

Abdiaziz Hassan Mohamed (Golf)
BMC: Muqdisho, Somalia

webmaster@baardhere.com
href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com