Siminaar ku saabasan xadgudubyada liddiga ku ah jinsiga ayaa lagu soo gaba gabeeyay Hoteel Saxafi 2

Muqdisho, 15-Sept-2007@[baardhere.com]  Siminaar looga hadlaay xadgudubyada liddiga ku ah jinsiga ( Gender Based Violence )  ayna kasoo qeyb galeen xubno tiradoodu gaareysay 35 xubnood oo ka kala socday gobolada Sh/hoose,Banaadir iyo dadk soo barakacay ee ku nool ceelasha Biyaha, ayaa lagu soo geba gebeeyay Hotel Saxafi 2 ee magaalada Muqdishu malinimadii Khamiista.

Siminaarkaas oo soconaayay muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa qabatay hey’adda Family Empowerment Relief Organization (FERO) iyadoo gacan ka heleysa hey’adda UNFPA. Xiritaankii siminaarkaas ayaa waxaa kasoo qeyb gashay madaxa UNFPA-koofurta Somalia , Marwo, Istarliin C/laahi Sheekh oo iyaduna ku boorisay kasoo qeyb galayaasha in ay ka faa’iideystaan casharadii ay ku qaateen siminaarka ugana faa’iideeyaan bulshada ay la noolyihiin.

Sidoo kale waxaa goobtaas ka hadashay Agaasimaha FERO Marwo, Faadumo Maxamuud Faarax oo iyaduna u mahad celisay hey’adda UNFPA gacantii ay ka geysteen qabashada siminaarkaas iyo Macalimiintii casharada ka bixinaayeen siminaarka iyo guud ahaan kasoo qeyb galayaashii siminaarka.




Sara u kacii ugu xooganaa oo ku yimid Qiimaha la kala siisto Raashinka Qutul Daruuriga
 
Muqdisho, 15-Sept-2007@
[baardhere.com]  Qiimaha la kala siisto Raashinka Qutul Daruuriga ayaa sara kacii ugu xooganaa ku yimid, xilli dadweynaha Soomaaliyeed qeylo dhaan ka muujinayaan sicirka bararka ku yimid Raashinka.
 
Hada oo bilatay Bishii Ramadaan ayaa waxaa sii labo lixaadsaday sare u kac aan la ogeyn halka uu ku sii jeedo oo ku yimid badeecadaha kala duwan.
 
Sicir bararka ku yimid noocyada kala duwan ee Raashinka ayaa noqonaya, sara u kacii ugu xomaa ee shacabka Soomaaliyeed ay la kulmaan muddo 17-sano ah.
 
Xeel dheerayaal dhinaca ganacsiga ayaa u aaneynaya sara u kaca Raashinada dhowr siyaabood oo is biirsaday Sida Sarifka Lacagaha Qalaad oo cirka galay, Ganacsatadii Badeecadaha keeni jiray oo iyagana joojiyay keenista Badeecadaha, sababo canshuur xad dhaaf ah oo ay Dowladda ku soo rogtay iyo Arrimaha Ammaanka Caasimada Muqdisho oo sii xumaanaya.
 
Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa iyagu u muuqda kuwo ka faa�iideysanaya duruufaha heysta shacabka Soomaaliyeed, iyagoo iska dhega mariyey codsiyo kala duwan oo ay u soo jeediyeen qeybaha kala duwan ee bulshada oo ahaa in bisha fadliga iyo qeyrka badan ee Ramadaan awgeed ay u naxariistaan shacabkooda badeecadahana u raqiisiyaan, waxaana ganacsatadu intooda badan haddii aysan dhamaantood wada aheyn ay noqdeen kuwo kaliya ka fekera macaashka ay helayaan oo isla markaana aan wax dan ah ka geleynin dadkooda dhibaatooyinka heysta shacabkooda waxayna u muuqdaan kuwo dhiig miirad ah oo aan waxba dhaamin kuwa shacabka xabada la dhacaysa.
 
Mar aan saaka tagay Suuq Bacaad oo ah Suuqa Labaad ee ugu weyn Soomaaliya, isla markaana aad looga adkeeya Loorka Bariiska ayaa la kala siisanayay $34 halka ka hor inta aysan curan Bishii Ramadaan uu ka ahaa $29, sidoo kale Loorkii Burka oo maanta lagu kala iibsanayay $28, ayaa iyana ka hor inta ay dhalan Bisha Ramadaan ka joogay $25 halka sonkorta oo aheyd $20 Dollar ay sii cagacageneyso ilaa $23 Dollar, iyadoo guud ahaan badeecadaha kalena ay sidaasi oo kale qiimo ugu kordheen,
 
Dadka Dan yarta ah ayaa saameynta ugu weyn kala kulmeen qiima kororka ku yimid qiimaha Raashinka la siisto, iyadoo dadka danyarta oo nolol maalmeedkooda soo luf lufta maalintii aysan dhameyn waxa ay soo shaqeystaan Kiiladii Bariis waxa lagu iibinayo oo haatan mareysa ku dhowaad 20 kun oo shilin Soomaali, halka awal uu ka ahaa ilaa 8kun, waxaana aysan awoodi karin in ay iibsadaan cuntada ay u baahan yihiin marka loo eego dhaqaalaha soo gala ee nolol maalmeedkooda ay ku maareyn lahaayeen oo aan u saamaxeyn.
 
Xaalad Biyo la'aan daran ayaa laga soo sheegayaa Degmada Ufurow, kadib markii uu jabay ceelkii biyaha ee degamadaas.
 
Muqdisho, 15-Sept-2007@[baardhere.com]   Xaalad Biyo la'aan baahsan ayaa laga soo sheegayaa Degmada Ufurow ee Gobolka Baay, kadib markii uu jaba ceelbiyood biyaha ay ka dhaansanayeen dadka deegaankaas.
 
Sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Ufurow C/waaxid Macalin Xasan xaalad biyo la'aan ayaa ka taagan degmada iyo degaanada ku dhaw dhaw,wuxuuna caddeeyay in qiimaha la kala siisto biyaha in uu gaaray meel sare oo dadka dhibaato ku qabaan.
 
Isagoo Magaalada Baydhabo kula waramayay Wariyaasha ayuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Ufurow in fuustadii Biyo ah Degmada Ufurow ka joogta 30-kun oo Shilin Soomaali ah (Soddon-kun oo Shilin).
 
"Waxaa jabay Ceel-kii Biyaha ee Degmada, waxaa hadda shaqeeya hal ceel kuma filna dadka iyo xoolaha, sare u kac ayuu ku yimid qiimaha la kala siista Biyaha"ayuu yiri C/waaxid Macalin Xasan oo ah Guddoomiyaha Degmada Ufurow.
 
Degmada Ufurow oo ku taala Koonfurta Magaalada Baydhabo waxaa hoos yimaada 74 Tuulo, kuwaas oo biyo la'aanta saameyn ku yeelatay sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada.
 
Ceelka Biyaha ee Degmada Ufurow ayaa waxaa Maamula Shirkadda Muumin Global oo sidoo kale Maamusha Biyaha Magaalada Baydhabo, taasina kuma filna in ay buuxiso baahida dadka degan Degmada Ufurow.

Wadada isku xirta Suuqa Xoolaha iyo Ex Ctrl Balcad oo dib u furantay, kadib markii Ciidamada Dowladda ay halkaas isaga huleeleen.

Muqdisho, 15-Sept-2007@[baardhere.com]   Waxaa saaka dib u furantay wadada isku xirta Suuqa Xoolaha iyo Ex Ctrl Balcad, kadib markii Deegaanadaas ay noqotay meelaha ay ku hardamaan Kooxaha kacdoonka wada iyo Ciidamada Dowladda.

Wadada Laamiga ee Suuqa Xoolaha ayaa saaka la arkayay iyadoo ay gaadiidka isticmaalayaan muddo bil kadib, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmayaan gaadiidka Bl-ka ah.

Isticmaalka Gaadiidka ee Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa timid, kadib markii ay halkaas isaga huleeleen Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Suuqa Xoolaha iyo Ex Ctrl Balcad.

Ma cada ilaa iyo hada sababaha Ciidamada Dowladda halkaas uga ruuqaansadeen, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay ay halkaas ka tageen, balse ay dib ugu soo laabteen maalin kadib.

Ciidamada Dowladda ee fariisinka ku lahaa Suuqa Xoolaha, Sos iyo Ex Ctrl Balcad ayaa habeen hore la kulmay qasaaro baaxad leh, kadib markii kooxaha ka soo horjeeday ay dagaal kedis ah ku soo qaadeen, kaasoo Ciidamada dhimasho iyo dhaawac dhowr ah ka soo gaaray.


Qaraxyo iyo tacshiirado saaka ku waabariisatay Magaalada Muqdisho, xilli Habeenimadii xalay ay deganeyd Xaalada Caasimada Muqdisho.

Muqdisho, 15-Sept-2007@[baardhere.com]   Xaalada Guud ee Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay aheyd mid degan, iyadoona aana la maqlin wax rasaas ah iyo qaraxyo.

Jawiga guud ee Magaalada ayaa xalay u muuqday mid xasiloon, inkastoo saaka Magaalada ay ku waabariisatay qaraxyo waa weyn iyo tacshiirado laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Qarax ka dhacay wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa sababay dhaawaca labo qof oo rayid ah, iyadoo qaraxa ka dhacay suuqaasna uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay Ciidamada Dowladda ee ku sugan wadada Aadan Cadde.

Ma cada qasaaraha soo gaaray Ciidamada, iyadoo rasaas ay fureen Ciidamada qaraxa kadib ay waxyeelo soo gaarsiisay dad rayid ah.   Sidoo kale qarax sawaxankiisa laga wada maqlay qeybo ka mid ah magaalada ayaan la ogeyn halka uu ka dhacay, iyadoo qaraxana uu ahaa mid si weyn u gil gilay qeybo ka mid ah magaalada.

Qaraxyada waa weyn ee saaka Muqdisho laga maqlay ayaa ku soo beegmaya, xilli Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Suuqa Xoolaha iyo Ex Ctrl Balcad ay soo faarujiyeen.


Khilaaf soo kala dhex galay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Muqdisho, 15-Sept-2007@[baardhere.com]   Khilaaf xoogan ayaa soo dhex galay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo khilaafka uu yahay is qab qabsi ka dhashay Xilka Amniga Gobolka.

Is qab qabsi xoogan ayaa ka taagan Xilka Amniga Gobolka oo dhowaan loo magacaabay Gudoomiye Cusub, iyadoo Gudoomiyihii hore ee hayay jagadaas oo wali ku adkeysanayo inuu hayo Xilka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xilka Amniga Gobolka uu la wareegay Sarkaal cusub oo ay soo magacoway Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Maxamed Maxamuud Weheliye oo ah Gudoomiye Kuxigeenkii Dhinaca Ammaanka Gobolkaas, ayaa horay u sheegay inuusan wareejin doonin xilka, isagoo ku andacoonaya inuu wali hayo jagadaas oo aan laga badali karin.

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ay soo magacowday Maxamed Maxamuud Cilmi ayaan wali la wareegin howshaas, iyadoo laga cabsi qabo in is qab qabsiga dhinaca maamulka ka taagan ay sababto dagaal gacan ka hadal ah.

Is qab qabsiga u dhaxeeya Maamulka G/Sh/Hoose ayaa ku soo beegmaya, xilli Deegaanada Gobolkaas ay ka taagan yihiin ammaan daro baahsan oo dadka iyo gaadiidka lagula dhaqaaqayo Baarasho xoogan.


Isbaheysiga Xoreynta Soomaaliya oo ku dhawaaqay in dhowaan howlahooda xoreynta ah ka bilaabi doonaan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Muqdisho, 15-Sept-2007@[baardhere.com]   Isbaheysiga Xoreynta Soomaaliya ee dhowaan lagu dhisay Magaalada Asmara ayaa ku dhawaaqay in dhowaan howlahooda xoreynta ah ay ka bilaabi doonaan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Shirkii Asmara ku soo idlaaday ee kooxaha Mucaaradka Zakariye Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in ay dhowaan ay u kala jiheysanayaan gudaha dalka iyo qaar ka mid ah dalal kale oo loo dirayo xubno si ay u soo dhisaan hanaankooda siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in Isbaheysigooda uu durba guda geli doono howl gal ballaaran oo dalka lagaga xoreyn doono Ciidamada Ethiopia, isagoo sheegay in muddo todobaad gudahood is bedel la arki doono.

Mr Zakariye ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sidii ay u meel marin lahaayeen ajandayaasha iyo qorshayaasha ay beegsanayaan oo ay ku gaareen kulankii mudada isbuuca ah uga socday dalka Eritrea.

Isbaheysiga Xoreynta Soomaaliya oo madax looga dhigay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Gudoomiyihii Golihii Fulinta Maxkamadaha ayaa la sheegay in dhaq dhaqaaq xoogan ay ka bilaabi doono gobolo dhowr ah oo ay ka soo jabhadeyn doonaan.

Abdiaziz Hassan Mohamed (Golf)
B
MC: Muqdisho Office, Somalia

Shabakadda Baardhere.com


webmaster@baardhere.com

href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com