Jen. Cabdi Qeybdiid iyo Jen.
Darwiish oo ka dhaga fareystay u yeeritaanka Baarlamaanka
Soomaaliya.
Muqdisho, 04-Sept-2007@[Baardhere.com] Gudoonka Baarlamaanka
Soomaaliya ayaa sheegay in Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugid ay ka
dhaga adeegayaan amarada ka soo baxay Baarlamaanka ee ahaa in ay si dhaqse ah ku
yimaadaan Magaalada Baydhabo.
Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa
ayaa ku eedeyay Jen. Cabdi Qeybdiid iyo Jen. Darwiish in ay ka dhaga
fareysanayaan u yeeritaanka uu Baarlamaanku u yeray, isagoo sheegay in Maxamed
Dheere keliya uu ka soo jawaabay amarkii Baarlamaanka.
"U yeeritaanka Baarlamaanka waxa keliya ka soo jawaabay waa Maxamed Dheere,
waxaanu sheegnay inagu in ay muddo todobaad ah ku yimaadaan Magaalada Baydhabo,
si Baarlamaanka uu su'aalo ku aadan howlahooda loo weydiiyo"ayuu yiri Prof.
Dhalxa oo sheegay in Talyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida Qaranka ay
ka dhaga fareysanayaan awaamiirta Baarlamaanka.
Saddexda Mas'uul uu Baarlamaanka ugu yeeray in muddo todobaad ah ku soo
gaaraan Magaalada Baydhabo, ayaa la sheegay in wax laga weydiinayo xaaladaha
Magaalada Muqdisho, oo ragaas lagu eedeynayo in ay wadaan howlo aanu
baarlamaanka raali ka aheyn.
Dadka lagala baxo guryaha, Masaajidada, iyo kuwa xabsiyada loo taxaabo ayaa
la sheegaaa in ay ka dambeeyaan saddexdaas Mas'uul, iyadoo dadka ay Ciidamadooda
soo qabtaana aan la marsiin wax maxkamad ah.
Wasiirka Cadaalada Dowladda Soomaaliya Xasan Dhimbil Warsame ayaa dhowaan
qudbad uu ka jeediyay Baarlamaanka waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka
Banaadir Maxamed Dheere uusan u qalmin xilka uu hayo, isagoo sheegay in Maxamed
Dheere uu adeegsanayo sharciyo isaga u gaar ah waa sida uu yiri Xasan Dhimbil.
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha
oo ka deyriyay Ammaanka guud ee Suuqaas, kadib markii ay ku soo bateen ugaarsiga
lagu hayo dadka rayidka.
Muqdisho, 04-Sept-2007@[Baardhere.com] Ganacsatada Suuqa Bakaaraha
ayaa si weyn uga deyriyay Ammaanka guud ee Suuqaas, iyadoo maalmihii la soo
dhaafay ay xaalada suuqa noqotay meesha ugu ugaarsiga badan ee Magaalada
Muqdisho.
Gudoomiyaha Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Dheere ayaa sheegay in
Xaalada Suuqa ay faraha ka baxday, isagoo tilmaamay in suuqa uu noqday meelaha
ugu badan ee dadka rayidka ah lagu ugaarsado.
Waxa uu sheegay in Ganacsatada qaar aysan tagi karin suuqaas, sababo cabsi ay
ka qabaan suuqaa oo dadkii ugu badnaa todobaadkan lagu dilay.
"Dowladda Kmg ah waxaan ugu baaqeynaa in ay soo fara geliso Xaalada Suuqa oo
noqotay meesha ugaarsiga gaarku ka socdo"ayuu yiri Cali Dheere oo tilmaamay in
shalay keliya gudaha Suuqa Bakaaraha lagu dilay ilaa shan ruux oo uu ku jiray
Nin Professor ah.
Xaalada Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah Suuqa ugu ganacsiga ballaaran leh ee
Soomaaliya ayaa maalmahan ahaa mid xaaladiisu ammaan aad looga deyrinayay,
iyadoo marar qaarna uu suuqa isku bedelo, meelaha rasaasta iyo qaraxyada ay ka
dhacaan.
Baarlamaanka
Federaalka oo u yeeray Hay'adaha Maaliyadda Dowladda
Muqdisho, 04-Sept-2007@[Baardhere.com] Sida uu sheegay Prof Maxamed
Cumar Dhalxa oo ah kuxigeenka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa socda
qorshe Baarlamaanka kula xisaabtimayo hay’adaha dhaqaalaha ee xukuumadda iyo
Maamulada dalka ka jira.
Dhalxa waxaa uu yiri " baarlamanka wuxuu u yeeray wasaaradda maaliyadda si
wax looga weydiiyo waxqabadkeeda intii ay dhisneyd wasaaraddaasi, sidoo kale
waxaa loo yeeray Madaxda Bankiyada.
Waxa uu intaasi raaciyay in arimahaan ay qeyb ka yihiin la xisaabtanka
xukuumadda oo dhowaan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya uu ku dhawaaqay.
Madaxda loo yeeray Waxaa ka mid ah Xisaabiyaha Guud ee Qaranka kaas oo
Su’aalo la weydiin doono,sida uu sheegay kuxigeenka Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Baarlamanka ayaa horey ugu yeeray xubno uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka
Banadir Maxamed Dheere, Taliyaha ciidamada booliska Cabdi Qeybdiid iyo Taliyaha
nabad sugidda Qaranka Maxamed Darwiish.
Magaalada Kismaayo oo Xalay
lagu dilay mid ka mid ah Howl-wadeenada Shirkadda Isgaarsiinta Nation
Link
Muqdisho, 04-Sept-2007@[Baardhere.com] Dablay Soomaaliyed ayaa
xalay toogasho ku dilay howl-wadeen ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Nation Link
gudaha magalada Kismayo sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya halkaas.
Marxuumka la dilay ayaa lagu Magacabi jiray C/wali C/laahi Xirsi isla
markaana ka mid ahaan jiray shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Nation Link
lanteeda magalada Kismaayo, waxaana toogasho ku dilay kooxo hubeysan xilli uu ku
sugnaa gurigiisa meel u dhow.
Lama oga wali sababaha ka dambeeya dilka Marxuumkaan, laakiin ciidmada
booliska waxa ay ku tilmaameen kooxaha dilkaan geystay in ay ahaayeen burcad,
waxaana ciidamada booliska ay wadaan baaritaano ku aadan arintaan.
Abdiaziz Hassan Mohamed (Golf)
BMC:
Muqdisho, Somalia