Wararka Gobolka Shabeellada Hoose ee Maanta

Muqdisho, 03-Sept-2007@[Baardhere.com  Waxaa maanta dhammaan inta badan kontoroollada ku yaalla Waqooyiga Gobolka Shabeellada Hoose loo qeybinayaa waraaqaha canshuuraadka Gobolka ee uu  dhowaan Muqdisho ka keeney Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Dr. C/qaaddir Sheekh Maxamednuur. 

Waxaana waraaqahaas si wadajir ah u qaadey Guddoomiyaha Gobolka, Kuxigeenka Gobolka ee arrimaha Bulshada Jaamac Baloow, Kuxigeenka Booliska Nuuriye Cali Faarax, Taliyaha Booliska Cali Ganey.

Inta aan howshan lagu dhaqaaqin ayaa waxaa shaley lagu ansaxiyey shir ay madaxdaas  ku yeesheen magaalada Marka ee xarunta Gobolka. 

Howshan fulinteeda ayaa waxaa loo diyaariyey ciidamo iskugu jira kuwii hore iyo kuwo cusub oo deegaanka oo la’isku darey, sida uu noo sheegey Xoghaynta Guddoomiyaha Gobolka oo laftigiisu la socdey mas’uuliyiinta maanta howshaas fulineysa.

Marka la wada gaarsiiyo dhammaan kontoroollada Gobolka ee min Afgooye illaa Wanllaweyn ayaa loo gudbi doonaa guddaha Degmooyinka Gobolka, waana tallaabada koowaad ee uu qaado maamulka Gobolku tan iyo intii uu halkaas tagey, taas oo noqoneysa dakhli arurintii ugu weyneyd ee Gobolka si isku mid ah u wada gaarta. 

Kontoroollada Gobolka ayaa horey u kala qeybsanaa maamullo iyo malleeshiyaad ka so jeeda Beelaha horey halkaas u haysan jirtey. Tusaale ahaan Degmada Afgooye kontoroolladeeda waxaa wax ka qaadan jirey malleeshiyaadka ka ammar qaata Xusseen Cirfe, halka Kontorolka Wanllaweyn uu wax ka qaadan jirey nin dhintey oo la oran jirey Farabadan, halka Laanta Buuro ilaa Buulo-Mareer uu wax ka qaadan jirey Maamulka Indhacadde.

Sidoo kale Kontoroolka Koonfurta Gobolka ee Ambareesa iyo Degmada Baraawe ayaa waxaa weli wax ka qaadanaya oo haysta C/llaahi Xalne Dhuxuloow.

Si kastaba ha ahaatee haddii ay tani suuragasho waxay noqonaysaa hal tallaabo oo uu qaadey maamulka cusub ee Shabeellada Hoose, wuxuuna heli donaa dhaqaale fara badan oo awel  ku dhici jirtey jeebabka hal beel oo keliya.


Taliyaha Booliska GSH. oo Lagu Haysto Taliyenimadiisa.

Muqdisho, 03-Sept-2007@[Baardhere.com]  Sida aan ka soo xiganney ilo aad ugu dhow maamulka Gobolka waxaa la sheegya in Cali Ganey lagu haysto Taliyenimadiisa ka dib markii uu dhowaan Liis Ciidan oo Boolis cusub ah uu u gudbiyey Taliayaha Booliska Cabdi Qeybdiid, iyadoo liiska uu gudbiyey 80% ay yihiin malleeshiyaadka beesha Ceyr ee Gobolkaas xoogga ku haysata. 

Taliyaha ayaa la sheegey in lagu haysto Teetalka u qoran ee Gaashaanlle Sare iyo in uusan istaahilin jagada uu hadda haysto waayo waxaa la yiri “waxaad la shaqeyn jirtey kooxo ka soo horjeeda Dowlladda oo weliba aad u ahayd lafdhabar” waxaana arrintaas ku eedeeyey Genaral Qeybdiid.

Sidoo kale eedaha noocaas ah  ayaa waxaa Cali Ganey  la wadaaga saaxiibadiisa Jaamac Baloow iyo Nuuriye Cali Faarax.  Si kastaba ha ahaatee tani waxay u muuqataa ceyrsi gaar ah oo lagula kacayo Cali Ganey maxaa yeeley rag assaga uga firfircoon ama uga awood badan maamulkii hore ayaa weli si xor ah u shaqeeynaaya.

Tiirarka ugu weyn ee maamulka Indhacadde ku taagnaa wuxuu ahaa Jaamac Baloow iyo Nuuriye Cali Faarax, mana jirto cid ugu hanjabtey in xilka laga qaadayo, halka Ganey xilkiisu halis ku jiro in laga qaado. 

Inkasta oo Cali Ganey uu weli daacad u yahay saaxiibadiisa hore islamarkaasna uu fuliyey dano fara badan oo ay leeyihiin dadka Gobolka kusoo duuley, haddana waxaa ka daran dadkii Gobolka ku soo duuley oo weli xilal Culsus ka haya maamulka hadda jira kana cabsi qabin in laga qaado. Cali Ganey wuxuu noqonayaa nin tolkiisa ku caasiyey oo kuwii uu ku biireyna ka carareen. 


 

C/llaahi Yuusuf "Meeshaad rabtaan lacag ka keena, shacabka adingoon dhaceyn, xataa soo luf lufta waxaa la idinka rabaa in 3 bilood gudaheed uu wasiir walba wasaaradiisa xarun yeelato".

Muqdisho, 02-Sept-2007@[Baardhere.com]   Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku fara Wasiirada ku jira Dowladiisa in ay muddo 3 bilood gudaheed ay ku dayactiraan Xarumaha Wasaaradahooda.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Munaasabad xariga looga jarayay Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ka dhacday Maanta Xaruntii Fiisha Bra ee Degmada Shangaani.

Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in mudo 3 bilood ah kadib laga doonayo wasiir waliba in wasaaradiisa ay xarun ku yeelato magaalada Muqdisho isla markaana uu dadaal xoogan arrinkaasu u galo.

Meeshaad rabtaan lacag ka keena, hadaad rabtaan dadka ha dhicina, xataa soo luf lufta waxaa la idinka rabaa inaad 3 bilood gudaheed ku soo dayactirataan Xarumaha Wasaaradaha ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo hadalo kaftan u muuqday manta ka jeediyay Munaasabadii Furitaanka ee Xarunta Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in Wasaarad kasta ay ku shaqeysa xarunteeda, waxa uuna u jeediyay Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, in ay bilaabaan howlo ay ku dar dar gelinayaan Xafiisyadooda.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo qaar ka mid ah Xarumihii Wasaaradihii Dowladii hore ay ka muuqdaan bur buro soo gaaray dagaaladii sokeeya, laakiin Wasaarado qaar ayaa u muuqanaya kuwo xil iska saaraya howlahooda, sida Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta oo dhowaan howlo dayactir ah ku sameysay Xarunteeda oo ku taal Degmada Boondheere.


Ra'iisul Wasaare Geeddi oo ku dhawaaqay in muddo saddex bilood gudaheed ay isku diiwaan geliyaan Gaadiidka ka howl gala gudaha dalka

Muqdisho, 02-Sept-2007@[Baardhere.com]   Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ku dhawaaqay in muddo 90-maalmood gudahooda ay isku soo diiwaan geliyaan Gaadiidka ka shaqeeya Gudaha Soomaaliya si loo siiyo aqoonsi.              

Hadalkan ayuu manta Ra'iisul wasaaruhu ka sheegay Munaasabad xariga loogaga jarayay Xafiiska Wasaarada Gaadiidka circa iyo dhulka oo ka dhacday Xaruntii hore ee Fiisha Bra.

Prof. Geeddi ayaa sheegay in dhamaan gaadiidka ka howl gala Gudaha Soomaaliya la siin doono aqoonsi, isagoo sheegay in gaadiidka aan isa soo diiwana gelin loo aqoonsan doono kuwa dhibaatada wada.

Waxa uu sheegay Prof. Geeddi in diiwaan gelinta looga dan leeyahay sidii loo asteyn lahaa Nabadgelyada Dalka iyo Caasimada Muqdisho, isagoo sheegay in gaadiidkii aan sedan wax aqoonsi ah uu ka mid ah kuwa dhibaatada abuuraya.

Waxa uu sheegay Ra'iisul Wasaare Geeddi in darawal kasta ama wade kasta looga baahan yahay in uu qaato warqada fasaxa iyo Taargada gaadiidka.

Dhanka Kale Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo isna ka hadlay Munaasabadii Furitaanka Xafiiska Wasaaradiisa, ayaa sheegay in Xarumo ay ka furan doonto Wasaaradiisa, Magaalooyinka Beled Weyn, Kismaayo, iyo Baydhabo.

Waxa uu sheegay Wasiirka in wasaaradiisa ay u wajaheyso sharciyada gaadiid dhowr tallaabo, isagoo sheegay in ay soo bandhigeen Documentiyada Taargooyinka gaadiidka kala duwan, kuwaasoo uu sheegay in wado sharciyeysan loo marayo.

Abdiaziz Hassan Mohamed (Golf) & Aadan Cusman
BMC: Muqdisho Office, Somalia


webmaster@baardhere.com
href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com