![]() IID MUBAARAK Nisiyaay Nisiyaay halkoo sabuul Nisiyaay - Allow ku dhoor Allow k´amaansoy! Ereyada kor ku qoran waxay ahaayeen dhawaaq farxad badan oo laga maqli jirey xaafadaha, shaaraca iyo luuqyada Baardhere maalinta ciida soon-furka, cidii ay ku cusubtahayna waa la is weydiin karaa in uu qofkaas reer Baardhere yahay iyo in kale. Magaalada baardhere bisha Ramadaan aad ayaa loo nooleeyaa. Masjidka jaamaca waxaa lagu tukadaa 20 rakaco oo taraawiixa ah iyo 11 rakac oo witr ah. Waxaa la akhriyaa ducooyin fara badan oo ay ka mid yihiin Hamziya iyo Burdi.Waxaa iyana masaajidada iyo meelo kale la akhriyaa qur'aan fara badan iyo weliba iyadoo koox koox loo subciyo. Waxyaalaha lagu nooleeyo Ramadaanka degmada Baardhere waxaa ka mid kooxda suxuurta dadka u kicisa oo inta u dhexeeysa 02:00 - 03:00 (sideed saac ilaa sagaal saac habeenimo) marta xaafadaha magaalada iyagoo ku guubaabinaaya in hurdada laga kaco oo la soxoorto. Waxaa kooxda soxoorta dadka u kicisa ugu magac dheeraa Illah ha u naxariistee Aw Sidiiq oo ahaa qof aad u khayr badan, isla markaana dadka u wacdin jirey si ay fahmi karaan. Aw Sadiiq wacdigiisa iyo sheekooyinkisa waxay ahaayeen wax aad loo sugo oo la isugu soo baxo saacadaahaas dambe ee habeenada bisha ramadaanka. Waxaa kooxda suxuurta dadka u kicisa ka mid ahaa ilaa maantana sii wada ajar alle haka siiyee Ale Edeng iyo kooxdiisa oo bulshada u qabta hawl muhim ah. Maalinta ciida soon-furka, kooxda suxuurta dadka u kicisa iyo caruur badan oo faraxsan waxay maraan xaafadaha, shaaraca iyo luuqyada Baardhere iyagoo ku dhawaaqaya "Nisiyaay Nisiyaay halkoo sabuul Nisiyaay" - markii wax loogu rido dambiisha ay wadtaana waxay ku duceeyaan "Allow ku dhoor Allow k,amaansoy". Waxaa xusid mudan in dambiishaas weyn lagu ridi karey wax kasta oo qofka uu doono ama awoodo ha yaraadaan ama ha badnaadaan sida lacag, dalagyada la cuno iwm. Ujeedadana waa qaybsiga farxadda maalintaas weyn. Maalinta ciida, waa maalin cibaado, farax iyo faakeheysi. Waxaa la soo salaama qaraabada, asxaabta iyo ehelada. Waxaa si gaar ah looga farxiyaa caruurta. Maalmahan waxaa laga yaabaa in ay jiraan xalwiyaad badan, laakiin waxaa jirtey maalin bursaliidka uu ahaa astaan weyn ee ciidda. Waxaa la ciyaari jirey turubka (Awguul), ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ay ka mid yihiin Jaariile oo laga ciyaari jirey xafadda Musawac iyo Qaboobey oo u badnayd xaafada buulo kuulow. Waxaana idin leeyahay Ciid-Mubaarka - Xasan Koofiya. Hana hilmaamina in aad raacdaan kooxda Nisiyaay Nisiyaay halkoo sabuul Nisiyaay - Allow ku dhoor Allow k,amaansoy. Tafaftiraha shabakada baardhere.com oo idin leh
Sannad walba farxad ku ciida!
Waxaad nagala soo xiriirtaa cinwanka:
webmaster@baardhere.com
|