![]() Wakiiladii degaanka Baardhere ooga qaybgaley baarlamaankii Soomaliya! Sida la oggyahay baardheere waxay leedahay taariikh iyo xaddaarad dheer oo soo jirtey laga soo bilaabo sannadkii 1776 markii la asaasay jameecada Baardheere. Waxaana shabakada Baardhere.com ku xusney taariikhdaas dheer iyo Ulul-Amriyaashii iyo culumadii soo hogaaminaayey! Waxaan qormadan ku soo qaadanaynaa taariikhda wakiilada Baardhere uga qaybgaley baarlamaankii Soomaliya ee jirey sannadihii 1954-1969 (iyo maamuladii dawlada hoose ee laga soo doortay degaanka Baardhere oo aan ku soo qaadan doono maqaalka xiga).. Degmooyinka dalka Soomaaliya waxay lahaayeen cadad mudanayaal loo qorsheeyey in ay oga qaybgalaan baarlamaanka. Tiradaas waxa ay la xiriirtay tirada dadka ku nool degaan kasta! Degaanka baardhere waxay qorshahaasi ku lahayd laba kursi (laba wakiil). Wakiiladii ugu horreeyey ee Baardhere masila oo ka qaybgala baarlamaanka Soomaliya waxay ahaayeen: 1). Shariif Maxamed Nuur iyo 2) Sheikh Xassan Khalif oo kala masilaayey labada gedi ee Baardhere beelaha ku dhaqan. Sannadka wuxuu ahaa 1954 markii la isu diyaarinayey dawladdi daakhiliga ahayd. Labadan wakiil doorasho la qabtay kuma soo bixin ee waxaa wakiishey hoggaamiyeyaasha bulshada iyadoo loo aqoonsadey in ay ahaayeen dad aqoon diimeed leh, sharaf ku leh degaanka islamarkaana masili karaan bulshada degaanka Baardhere. Doorashadii wakiilada taa ku xigtay ee la qaban lahaa waxay ahayd doorashadii dalka ka dhacday 1964kii, taas oo aan baardhere doorasho ka dhicin iyadoo lagu sameeyey wixii la oranjirey "liisto unico" taas oo macnaheeda yahay in laba musharax oo keliya isa soo taageen oo markaa loo baahnayn in doorasho la qabto. Waxaana degaanka Baardhere uga qaybgaley baarlamaanka laba muddane oo kala ah: 1) Dr Kenadid Axmed Yusuf iyo 2) Xaji Xussen Hire oo markale kala masilaaytey bari iyo galbeedka webiga baardhere bulshada ku dhaqan. Doorashadii taa ku xigtay waxay ahayd tii dhacday 1968/9. Doorashadaas oo ahayd mid si aad ah loogu tartamay iyadoo ay tartankaas ugu horreyeen seddexda mudane oo kala ahaa: Xaji Siid Bakar Sharif Cusman, Ibrahim qadiid iyo Ahmed Mohamed Abdullahi (Axmed Baffo). Waxaana doorashadaas tartan kulul kadib ku soo baxay in ay masilaan baardhere labada mudane 1) Xaji Siid Bakar Shariif Cusmaan oo baardhere aad looga yaqaano illaa haddana deggan iyo 2) Ibrahim Qadiid. Nasiib darro muddanayaashan iyo baarlamaankii Soomaaliya oo dhan iyagoon si fiican u hawlgalin ayaa waxaa yimid afgembigii xukuumada militeriga ee ku caanbaxday kelitalisnimada, taas oo ugu dambeyntii Soomaliya oo idil dad iyo dal ahaanba afka ciida u dartay. Mudadii ay jirtay xukuumadaas militeriga degaanka Baardhere ma helin wax wakiilo ah oo ooga qayb galo "gole ku sheegyadii askarta sameysay" oo si kelitalisnimo ah loogu go'aaminayey talada dalka. Waxaana u soo hooyatey dib u dhac dhan walba ah taas oo shacabka Baardhere ilaa maanta la il daranyihiin. Sidoo kale dadyowga degaanka baardhere ma lahan maamul loo dhanyahay sidaas daradeedna shirarkii is dabajooga ahaa ee dib u heshiisiinta Soomaliya ama wey ka maqanyihiin ama waxaa ka soo qayb galaayey qolyaha hubeysan oo qoriga ku maamusha degaanka. Taas oo keentay in xitaa xildhibaanada dawlada kumeelgaarka ah ku jirin hal qof oo reer baardhere ah, inkastoo xildhibaanada lagu soo xulay hab qabiili ah ee ku saleysan afar-beelood iyo nus (4.5). Afarta beelood iyo barka oo lagu wado in Soomaali oo dhan ka koobantahay oo cidna ka maqnayn) miyaaney baardhere wax ka degganeyn? Mise wax qiimo leh oo qoladooda masili kara ayaan baardhere laga waayey? Baardhere waa degaan qaffaalan oo xaqiisa maqanyahay muddo aad u dheer!
Shabkada baardhere.com |