Taariikhda maamuladii degaanka Baardhere 1960-1991

Sida la oggyahay baardheere waxay leedahay taariikh iyo xaddaarad dheer oo soo jirtey laga soo bilaabo sannadkii 1776 markii la asaasay jameecada Baardheere. Waxaana shabakada Baardhere.com ku xusney taariikhdaas dheer iyo Ulul-Amriyaashii iyo culumadii soo hogaaminaayey!

Waxaan qormadan ku soo qaadanaynaa taariikhda maamulka degaanka Baardhere.Dhanka maamulka dawladda hoose degmooyinka hoose dalka Soomaaliya waxay lahaayeen cadad ama tiro wakiil ka ah bulshada oo loo qorsheeyey in ay oga qaybgalaan maamulka dowlada hoose iyagoo masilaaya bulshadaas ama beelahaas ay wakiilka ka yihiin. Tiradaas waxa ay la xiriirtaa tirada dadka ku nool degaanka qaybihiisa kala duwan! Haddaba degmada Baardhere waxay lahayd gole wakiilo ka kooban 15 xubnood (dawlada dhexe ayaa go'aaminaysey tirada wakiilada degma kasta).

Baardhere waxay ka tirsanayd gobolkii Jubbada Sare (Alto Giuba), xaruunta gobolkana waxay ahay Baydhabo. Gobolka Jubba wakiiladooda baarlamaanka iyo degaanka waxay ahaayeen sida soo socota: 
 

Magaca degaanka  Tiro baarlamaan, Tiro degaan 
Baidoa                          6                           21
Bur Hakaba                 6                           21
Bardere                        2                           15
Dijuma                         -                           11
Sako                             -                            11
Dinsor                         2                            15
Kansah Dere               -                            11
Lug Ganane               2                            15
Dolo                             -                            11
El Wak                        -                             11
Huddur                      4                             15
Tiyeglo                       -                             11
Wajit                          -                              11
Total 12 179


Mudanayaasha golaha degaanka ayaa  iyaga dhexdooda iska dooran jirey guddoomiyaga maamulka golaha dowladda hoose (Siindiko). Mudanayaasha golaha degaanka waxay iska soo sharxi jireen axsaabta jirtay markaas. Xubnaha 15ka ah ee golaha degaanka Baardhere waxay ka kala imaan jireen labada xisbi ee ugu weynaa Baardhere, kuwaas oo kala ahaa 9 xubnood oo "Xasbia Digil & Mirifle ah" (bariga webiga) iyo 6 xubnood oo "leego ama snc" ah (galbeedka webiga).

Jagada guddoomiyaha golaha degaanka Baardhere (Siindiko) waxaa soo qabtey afar mudanayaal.

1) Sindikihii ugu horreeyey wuxuu ahaa Xaaji Siidow oo la doortay muddadii u dhexeysay 1958 - 62.

2) Sindikihii labaad wuxuu ahaa Sharif Abdullahi Cabdiraxmanm oo la doortay 1962-1964.<

3) Sindikihii seddexaad wuxuu ahaa Cumar Sheikh Mursal oo la doortay 1964-1966.

4) Sindikihii seddexaad wuxuu ahaa Cabdi Cabdisalaam Sh. Cabdiyow oo la doortay 1966- wuxuuna ahaa Sindiko illaa markii afgenbigii waddanka ka dhacay oo xukuumadii militeriga maamuladii xoog kula wareegtay!

Mudadaas wixii ka dambeeyey waddanka Soomaliya iyo Baardhere midna kama dicin doorasho dadka lagula tashanaayo. Waxaa la qaban jirey doorasho ku sheeg oo aan lahayn ka qaybgal xor ah iyo tixgelin bulshada degaanka ku nool. Waxaa bilowdey waagii magacaabida madaxda halkii doorasho ka dhici lahayd. Muddo ka badan toban sanno maaulka waxaa wadey xoghaye dowladda hoose oo ahaa shaqaale aan la dooran. Sidoo kale waxaa la abuurey degmooyin iyo gobollo fara badan!

Intaas ka dib, Maamulkii dawlada hoose waxaa loo magacaabey in ay madax ka noqdaan dadka soo socda:

1) Cabdi Seytun 1980-1984

2) Deero Siyaax  1984-1987

3) Buulow Axmed Buney 1988-Ilaa burburkii maamulkii militeriga ee Soomaaliya

Xaaladii ka dambeysay waa mid ku sifowdey ayaan darro, waxaana ku soo qaadan doona maqaal kale.

 

Baardhere.com waxaan soo dhoweynayaa akhriistayaasha afkaartooda hadii ay noqon lahayd dhirigelin, dhaliilo, sixitaan iyo maqaalo!

Shabakadda Baardhere.com

webmaster@baardhere.com

  
href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com