Isku ujeeddo ma laga yahay shirarka dib-u-heshiisiinta Soomaliyeed?

Muqdisho, 24-August-2007@[Baardhere.com] Inta badan la iskuma diidana in Soomalidu ay wada hadashooo, falaanqeyso sidii xal joota ah loogu heli lahaa dhibaatada jirta, sababtoo ah dalka iyo dadka waxay ku sugganyihiin xaalad aad u liidata oo marba marka ka dambeysa ka sii dareysay oo ka sii xumaaneysay wixii ka dambeeyey xornimadii!.

Haddaba haddii aan "dib-u-heshiin" la isku diidanayn, ma la isku raacsanyahay ujeedada dib-u-heshiisiinta? Taasi jawaabteeda ma sahlana inta baddana waa kala ujeeddo cidda wax tabbaneysa iyo tan wax laga tabbanaayo!

Sida la ogyahay dagaalka sokeeye ee Soomaliya wuxuu salka ku haayaa ku takri fal iyo ku xad gudub caddaalada bulshada "social justice", xuquuda shacabka iyo boobka hantida qaranka iyo tan gaarka loo leeyahay, sida degaan, beero, xoolo, guryo, dhul iwm.

Ujeedada dib-u-heshiisiinta cid wax tabbanaysa "dhibanaha" waxay tahay in la laga towba keeno wixii dhacay. Towbada waxay leedahay shuruudo ku cad diinta islaamka sida in laga qoomameeyo gefkii la geystay, in hantidii la boobay dib loo celiyo iyo in laga raali geliyo qofkii efka loo geystay. In wixii lagu heshiiyey lagu dhaqmo oo xaq bursi dambe lag reebtoonaado.

Cidda wax laga tabbanaayo ujeedadooda maxay tahay? Shirarkii dib-u-heshiisiinta faraha badnaa ee la qabtay waxaa muuqata in ujeedada cidda wax laga tabbanaayo ujeedadooda ay tahay in wixii hore la iska hilmaamo, oo loo cafiyo! xaqbursigii ay sidaas ku heleena loo xalaaleeyo isla markaana loo joogteeyo, wixii lagu heshiiyeyna ay yihiin tallaabo hor leh oo u horseedaysa xaqbursiyo cusub oo halkaa laga sii wado! . "Kaaga kula lihi, keygana waa ii keligey"

Kala ujeedada shirarka dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed waxay keentay in iyadoo loo fadhiyo "dib-u-heshiisiinta" la bilaabo qabanqaabada shirka "dib-u-heshiisiinta" kan ku xiga oo inta baddana looga hadlo qodobo kii ka horeeyey lagu soo qaadey oo lagu heshiiyey! So ma haboonayn in shirkasta oo la qabto looga hadlo wixii ka soo baxay, wixii ka hirgaley, wixii aan dhaqanelin, shirkii ka horreeyay!

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana habka wada hadalka iyo qabashada shirarka dib-u-heshiisiinta ay yihiin hab ka fiican habka xoog adegsiga oo ay habbon tahay in la sii waddo - AAN WADA HADALNO WAA AAN HESHIINO -

Dr O. Abdurahman.


webmaster@baardhere.com
href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com