Ergooyinka Shirka Dib u
Heshiisiinta oo qeylo dhaan ka keenay xeritaanka Shirka Dib u Heshiisiinta
Qaran.
Muqdisho, 30-August-2007@[Baardhere.com]] Qaar ka mid ah Ergooyinka
Beelaha Soomaalida uga qeyb galaya Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran ayaa qeylo
dhaan xoogan ka muujiyay xeritaanka Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran oo maanta la
filayo in la soo xero.
Kadib 45 cisho uu Magaalada Muqdisho ka soconaya shirweynaha qaran ee Dib u
Heshiisiinta Beelaha Soomaalida ayaa la filayaa in maanta la soo gaba gabeeyo,
xilli ay sii kordheysoi qeyla dhaanta ka imaaneysa Ergooyinka.
Ergooyinka qaar ayaa qaba inaan lagu deg degin gaba gabeynta shirka oo ay
sheegayaan in ay wali ay dhiman yihiin qodobo aan la isla meel dhigin.
Laakiinse Cali Mahdi oo ah Gudoonka Shirka ayaa isna ku doodaya in Shirka
laga gaaray guulo waa weyn, waxa uuna xusay in qodobkii ugu dhibka badnbaa ee
heshiisiinta Beelaha Soomaalida laga soo gudbay, kaasoo uu tilmaamay in beeluhu
ay is cafiyeen.
Ergada ayaa waxa ay yihiin, kuwo fikrado kala duwan ka keenaya xeritaanka
shirka ee maanta lagu wado, waxaan ergada qaarkood ay taageersan yihiin
xeritaanka shirka.
Dadka qaarkii ayaa aamisan in wali ay jirto Colaadihii Beelaha Soomaaliyeed,
isla markaana aysan waxba ka soo naasa cadaan heshiiska khilaafaadkii Beelaha
Soomaalida shirka dib u heshiisiinta oo ay isku cafiyeen, waxaana Deegaano ka
tirsan Gobolada Dhexe ka ololaya colaado u dhaxeya Beelo soomaaliyed oo dagaal
dhimasho iyo dhaawac fara badan ka dhashay u dhaxeeya wali.
Gudiga uu hogaamiyo Cali Mahdi ayaa la sheegayaa inuu ku guuldareysteen meel
marinta qodobo aad u xasaasi u ahaa, sida Qodobka Xagjirnimada Diineed iyo ka
doodista Kheyraadka Dalka, kaasoo u muuqday mid si hoose looga hadlay, waxaana
jiray in markii shirka la soo hordhigayay qodobadaas inuu dhaliyay murano
xoogan.
Si kastaba ha ahaatee shirka dib u heshiisiinta qaran ee 45 cisho ka socda
Magaalada Muqdisho ayaa la aamisan yahay in looga gudbay qodobo muhiim ah, hase
ahaatee waxaa moodaa in ay wali harsan yihiin qodobo geedi socod u noqon kara
siyaasada dalka.
Adan Osman & Abdiaziz Hassan Mohamed (Golf)
BMC: Muqdisho, Somalia