Cunnista hilibka geela dalka Sacuudiga oo aad hoos ugu dhacay

Sweden 29 Aug. 2007@(Baardhere.com) Dadka deggan dalka Sacuudiga ayaa bilaabay in ay yareeyaan cunista hilibka geela ka dib markii ay baahday wararka ku saabsan dhimashada aan la garanayn sida ay qoreen jaraaidka dalkaas (the Saudi online daily Arab News).

Waxaan weli la suggin sababta  keentay dhimashada geelaasi, waxaase la tuhmaaya in sababtu ay tahay iyagoo cunnay daaq lagu buufiyey sunta ayaxa.

Kawaanada qala hilibka geela iyo maqaayadaha iibiya hilibkaas ayaa muujiyey dareenkooda ku aadan arrintaas iyaoo sheegay in dadku ay aad u iibsan jireen hilibka geela. laakiin hadda aaney daneynayn.

Qofka ka mid dadkaasi oo la yirahdo Sa'id Asiri, ayaa sheegay in uu maalin walba cunni jirey hilibka geela laakiin hadda uu joojiyey cabsi uu ka qabo caafimaadkiisa iyo kan qoyskiisa awgeed.

Abu Muhammad oo ah daka sida gaarka ah uga ganacsada hilibka geela ayaa u sheegay daily Arab News in markii akhbaarta dhimashada geela soo baxday ka dib aaney daka aad u yareyeen cunnista hilibka geela.

Dr Abdurahman

Baardhere.com

webmaster@baardhere.com

href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com