Odayaasha Hawiye garabka mucaaradsan oo sheegay inuu fashilmay shirkii dib u heshiisiinta.

Muqdisho, 29-August-2007@[Baardhere.com] Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka mucaaradsan ayaa sheegay inuu fashilmay shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida oo haatan maraya heer gabo gabo.

Garabka Odayaasha Hawiye oo ay horkacayaan Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye ayaa afhayeen u hadlay uu sheegay in ilaa iyo iminka aanan waxba ka soo bixin shirka, isla markaana uu u muuqdo mid fashil ku dhamaan rabo.

Inkastoo Shir guddoonka shirka uu ku dhawaaqay in gabo gabo uu marayo shirka isla markaana intii badneyd laga heshiiyay dhamaan khilaafaadkii u dhaxeeyay beelaha Soomaalida ayaa hadana odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye waxa ay sheegeen in shirkaasi oo markii horeba ahaa mid lagu marin habaabinayay shacabka, laguna gaarin hanaan nabadeed oo dadka Soomaalida ah ay isugu yimaadaan.

La taliyaha Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo lagu magacaabo Salaad Barwaaqo ayaa daboolka ka qaaday in hadii la doonayo in shirka ay ka soo baxaan natiijo fiican loo baahan yahay in la qabto shir Soomaalidu u dhan tahay oo lagu qabto meel ka baxsan dalka.


Dowladda Federaalka iyo Maamulka G/Banadir oo ku guuleysan la' xasilinta Caasimada, xilli kooxaha wax iska caabinta ay u babac dhigayaan xoogaga Ethiopia iyo kuwa Dowladda.

Muqdisho, 29-August-2007@[Baardhere.com] Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wali maara u la' xakameynta kooxaha ka soo horjeeda oo habeen iyo maalin weeraro dhiig ku daata ku soo qaada.

Dowladda Kmg ah iyo maamulka uu hogaamiyo Maxamed Dheere ayaa ku fashilmay wax ka qabashada dhibaatada sii daba dheeraatay ee ka aloosan Magaalada Muqdisho, kuwaasoo rabshadaha wali socda ay ku dhintaan dad fara badan.

Diplomaasi u dhashay Wadanka Britain ayaa Wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay in Dowladda Federaalka iyo kuwa Ethiopia aysan wali helin mira dhalkii guusha ay gaareen, isagoo sheegay in wali ay socdaan weeraro looga soo horjeedo.

Waxa uu sheegay Diplomaasigas, in xaalada qatarta ah ee ka aloosan caasimada ay keeneysa in ay sii bataan weerarada dhiiga fara badan ku daata.

Habeen iyo maalin ayaa weeraro qorsheysan lagu qaadaa Askarta Dowladda ee saaran gawaarida dagaalka, kuwa ku sugan xarumaha, waxaana inta badan weeraradu ay yihiin kuwo sii laba lixaadsanaya.

Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ayaa u muuqanaya kuwo u babac dhigaya xoogaga Ethiopia ee taageereysa Dowladda aan tabarta badan laheyn ee uu Beesha Caalamku aqoonsan yahay.

Inta badan Caasimadii Muqdisho ayay Dowladu gacanta ku heysa, waxaana ay wali maara u la'dahay qaraxyada iyo weerarada silsiladaha ah ee lagu soo qaadayo, waxaana wali ay u caal weysan tahay in Degmo ka mid ah Gobolka Banaadir ay koontaroosha ammaankeeda, taasoo lagaga horyimaado weeraro naf hurnimo ah.

Siyaasigaas Reer Galbeedka ah ayaa sheegaya in wali ay muuqato awoodii Maxkamadaha, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in weerarada lagu qaado Ciidamada ay keeni karto in ay isa soo tarto Awoodihii Kooxihii Islaamiyiinta.


Dowladda Ethiopia ayaa Dalka Eritrea ku eedeysay in ay wali hubeyneyso Dagaalyahaniinta Islaamiyiinta ah ee ka dagaalmaya Soomaaliya.

Muqdisho, 29-August-2007@[Baardhere.com] Dowladda Ethiopia ayaa si kulul u weerartay Siyaasada Dowladda Eritrea ee colaad xoogan u dhaxeysa, iyadoo ku eedeysay in ay wali hubeysan kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya.

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in Eritrea ay si sharci daro ah hub u siisay kooxaha dagaalka kula jira Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan Muqdisho.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Ilaalinta dhaq dhaqaaqa hubka sharci darada Booliska Ethiopia ayaa sheegay in Eritrea ay ku xad gudubtay baratakoolka Nairobi ee ka hor tagida, koontaroolida iyo dhimista hubka yar yar iyo midka fudud ee gobolka harooyinka waaweyn iyo geeska Afrika.

Taliyaha Laanta dhaq dhaqaaqa Hubka sharci darada Ethiopia oo lagu magacaabo Mr Yamane ayaa sheegay in Eritrea ay hub sharci daro ah siisay Kooxaha islaamiyiinta, isagoo sheegay in colaada Soomaaliya ay sii xoogeysatay.

"Dagaalada Soomaaliya waxaa sii hurineysa Eritrea, waxeyna ku xad gudubtay heshiiskii Nairobi, waana mas'uuliyad daro in wali ay sii hubeyso kooxaha islaamiyiinta"ayuu yiri Mas'uul u hadlay Ethiopia

11 dal oo ku yaalla bariga Afrika iyo harooyinka waaweyn ayaa saxiixay heshiiska Nairobi bishii April ee 2004-tii si loo koontaroolo dhaqdhaqaaqa hubka sharci darada ah, waxaana wadamadaasi ka mida ah. Burundi, Dr Congo, Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Rwanda, Seychelles, Sudan, Uganda iyo Tanzania.


Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar oo xalay Magaalada Muqdisho lagu dilay.

Muqdisho, 29-August-2007@[Baardhere.com] Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ayaa xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho. Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa Saldhiga Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.

Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Booliska Mr C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa tibaaxay in kooxo ku hubeysan Bistoolado ay dhowr xabadood la dhaceen askarigaas oo ku sugnaa agagaarka Hotelka Lafweyn.

Dilka askarigaan ayaa ka dhigaya qofkii 3aad oo xalay lagu dilo magaalada Muqdisho, iyadoo labo ka mid ah culuma udiinka Ahlu Suna waljameeca lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, ka dib markii kooxo hubeysan ay guryahooda ugu galeen salaadii maqrin ka dib, deetana ay toogteen.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Magaalada ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayay shaqsiyaad gaar ah, kuwaasoo aanan la ogeyn cid rasmi ahaan ku lugta leh, iyadoo dhinacyada iska soo horjeeda ay isku eedeynayaan dilalka dhacaya.


Ciidamada Ethiopia oo saaka xiray wadooyin halbowle u ah isu socodka Caasimada Muqdisho kadib dagaalo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada.

Muqdisho, 29-August-2007@[Baardhere.com] Waxaa guud ahaan xiran waddooyinka gala Xaafadaha Suuqa Xoolaha, SOS, Heliwaa iyo Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo meel walba ay taagan yihiin Ciidamada waddanka Ethiopia ee jooga Magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya xaafadahaas waxaa gabi ahaanba la joojiyay isu socodkii Gaadiidka dadweynaha iyo weliba dadka lugtooda Maala ee mari jiray Wadada Dheer ee Warshadaha iyo Tan 30-ka ee soo aada Deegaanada Fagax iyo Lafweyn.

Ma jiro wax Gaadiid ah oo maraya wadooyinka gala degaanadaas,waxaa wadooyinka teedsan Ciidamada Ethiopia kuwaas oo dadka xitaa u diiday inay lugta maalan.

Lama oga waxa sababay xirnaashaha waddooyinka laakiin degaanada Suuqa Xoolaha, SOS iyo Heliwaa iyo qeybo ka mid ah wadada warshadaha ayaa xalay waxaa ka dhacay iska hor imaad hubeysan oo dhex maray Ciidamada Ethiopia, kuwa Dowladda iyo Maleeshiyaadka kacdoonka kaga soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Ethiopias ee Soomaaliya.

Sidoo kale lama oga in ay baaritaano sameyn doonaan iyo in kale waxaase la sheegaya in dadka ka shaqeysta Suuqa bakaaraha ee ka imaada Xaafadaha Suuqa Xoolaha, SOS, Heliwaa iyo Towfiiq saaka qarda jeex soo mareen.


Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan "Waxaan xusul duub ugu jirnaa inaan dhisno Xisbo Siyaasadeed oo mucaarad ah.

Muqdisho, 29-August-2007@[Baardhere.com] Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka uu hogaamiyo Xaaji Cabdi Iimaan ayaa sheegay in ay dhisi doonaan xisbi siyaasadeed oo mucaarad ah.

Siyaasiga ayaa tilmaamay in marka uu dhamaado shirka dib u heshiisiinta ay ku talo jiraan dhisida Xisbi Mucaarad ah oo uu sheegay in aanu aheyn xisbo hubeysan.

Waxa uu sheegay in xisbiga ay ku dhawaaqayaan dhowana uusan noqon doonin mid wax duminaya balse uu noqonayo mid wax dhisaya sida uu carabka ku dhiftay siyaasigaas.

"Qorshaheenu waxa uu yahay inaan bilowno hanaan axsaab badan oo dalka laga hirgelinayo, xisbigeenu uu noqdo mid siyaasad oo mucaarad ah, kaasoo aan hubeysneyn"ayuu yiri C/llaahi Sh. Xasan oo ka mid ah Siyaasiyiinta ay Dowladdu aad u daneyneyso.

Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka Xaaji Cabdi Iimaan ee taagersan shirka dib u heshiisinta ayaa maalmaha Magaalada Muqdisho ka wada dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan in ay xisbi siyaasadeed kaga dhawaaqaan, kaasoo dad badan ay hadal heyntiisu wadaa.


Saraakiil ka socota Dowladda Brundi oo Muqdisho u timid qiimeynta Xarumaha la dejinayo Ciidamada Brundi ee ku soo fool leh.

Muqdisho, 29-August-2007@[Baardhere.com] Saraakiil sare oo ka socda Dowladda Brundi ayaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray, iyadoo socdaalkooda lagu sheegay qiimeynta goobaha la dejinayo Ciidamada Brundi ee ku soo fool leh Caasimada Muqdisho.

Ciidamada Brundi ee qeybta ah kuwa Nabad ilaaliyeyaasha AMISOM ayaa la sheegay in bisha soo socota ay soo gaari doonaan Magaala Muqdisho, kuwaasoo la mid noqonaya kuwa Uganda ee ah Ciidamada keliya ee afrika ka jooga Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in Saraakiil Milateri oo ka socota Brundi ay Muqdisho soo gaareen maalintii Isniinta ee shalay ku beegneyd, isagoo sheegay in imaatinka Saraakiisha ay soo de dejineyso imaanshaha Ciidamada Brundi.

Burundi ayaa waxa ay sheegtay horaantii bishii July in ciidamo ay u soo direyso dalka Somaaliya si ay uga qeyb qaataan howlaha ciidamada Midowga Africa looga fadhiyo in Somalia la keeno.

Ku dhowaad 1600 oo ciidamo Ugandes ah ayaa ku sugnaa tan iyo bsihii March ee sanadka Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada Midowga Africa uu u balan qaaday Soomaaliya oo gaaraya 8 kun.


Dad kor u dhaafaya lix ruux oo maanta ku dhimatay Qaraxyada qul qulatooyinka iyo rabshadaha ka aloosan Caasimada Muqdisho.

Muqdisho, 29-August-2007@[Baardhere.com] Waxaa sii badanaya dad u geeriyoonaya qaraxyada iyo rabshadaha qul qulatooyinka ah ee ka taagan Magaalada Muqdisho, kuwaasoo sababa dhimashada ugu yaraan 10 ruux maalin walba.

Ciidamada Dowladda ayaa ku fashilmay adkeynta Xaalada ammaan ee Muqdisho, xilli ay isa soo tareyso weerarada qorsheysan ee kooxaha kacdoonada wada ay ku qaadayaan fariisimahooda.

Ilaa lix ruux oo mid uu yahay Boolis ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ku dhimatay qaraxyo iyo racshiirado ka dhacay Suuqa Bakaaraha, iyadoo xaalada suuqana uu u muuqdo mid aad looga deyrinayo marka loo eego rabshadaha ka soo cusbnoonaya.

Kooxaha kacdoonada wada ayaa qaraxyo ay u adeegsadeen Bam Gacmeed iyo bistoolado ku weeraray Ciidamada Booliska oo ku sugaan agagaarada Suuqa Bakaaraha, taasoo sababtay in rasaas aan loo meel dayin Ciidamada ay ridaan.

Cusbitaalka Madiina oo ka mid ah Cusbitaalada la geeyo dadka ku waxyeelooba qaraxyada iyo rabshadaha dhaca ayaa maanta keliya la gaarsiiyay ilaa 15 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Boolis halka inta kale ay rayid yihiin.

Xaaladaha isugu jira qaraxyada iyo tacshiiradaha ayaa u muuqdo kuwo sii kordhaya, iyadoo Magaaladaa ay ka dhacaan habeen iyo maalin dagaal fool ka fool ah oo lagu qaaday Xarumaha Ciidamada Dowladda iyo saaxibadooda Ethiopia.


Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Xasan "Beesha Cayr waxaa laga dhigay nin dhintay, nin dhaawacmay iyo nin cararay, waxaana cadeynayaa in shirka dib u heshiisiinta aanan tegin, ilaa inta.

Muqdisho, 29-August-2007@[Baardhere.com] Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ah Ugaas Beesha Cayr ayaa shaaca ka qaaday in dadka u dhashay Beesha Cayr ay noqdeen kuwa la dilay, qaar isaga cararay dalka iyo kuwa xiran.

Ugaas Xasan ayaa sidoo kale markii ugu horeysay ka hadlay mowqifkiisa ku wajahan shirka dib u heshiisiinta iyo sababaha keenay inuu ka soo qeyb geli waayay, isla markaana gudoonka shirka sheegeen inuu wakiil soo dirsaday ayaa beeniyay, isagoo xusay in wakiil uga qeyb galeyn shirka.

"Waxaad ogtihiin intii uu Xamar ka socday shirka hadda la sheegayo ay umaddii ku baaba’day, lagana dhigay waxa ku le’day iyo wax ka qaxay" ayuu yiri Ugaaska oo intaa ku daray in ka qeyb galka beesha Ceyr ee shirkaasi ay ku xiran tahay in marka hore ay arintaasi isaga yimaadaan waxgaradka, siyaasiiyinta iyo qeybaha kala duwan ee Beeshaasi ay ka kooban tahay.

"Anigna waxaan ahay Ugaaska beesha Cayr, waxaana shirkaas ka qeyb galayaa marka ay beesha siyaasiyiinteeda iyo waxgaradkeeda ka soo qeyb galaan, maxaa yeelay Ceyr waxaa laga dhigay nin dhintay, nin dhaawacmay iyo nin cararay, waxaana cadeynayaa in shirkaas aniguna aanan tegin cid iga wakiil ahna aysan joogin" ayuu yiri Ugaaska Beesha Ceyr .

Hadalka ka soo yeeray Ugaaska Beesha Cayr ayaa waxaa uu muujinayaa sida ay beeshiisu u diidan tahay shirka ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoo la ogsoon yahay sida Ciidamada Dowladda ula dhaqmeen Siyaasiiyin beeshaas ka tirsan oo uu ka mid yahay Dr Maxamud Maxamed Culusow, Ganacsade Maxamed Deylaf iyo xubno kale.

Abdiaziz Hassan Mohamed (Golf)
BMC: Muqdisho, Somalia

webmaster@baardhere.com
href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com