Maxaad ka Taqaana Taariikhda Baardhere iyo Halka ay Kaga Jirto Taariikhda Soomaaliya.

09-August-2007@[Baardhere.com]    Taariikhda dhabta ah iyo soo jireenka waayaha ee dadka iyo dalka Soomaaliya, gaar ahaana tan gobollada iyo degmooyinka weli si fiican looma dersin. Taariikhda la oggyahay waxay inta badan ku saleysan tahay xusuus qor aan dhameystinayn oo ay sameeyeen sahmiyeyaal iyo dadkale oo socdaal ah oo soo booqdey dalka gaar ahaan xeebaha Soomaliya, sida Ibn batuuta, Von der Decken, William Christopher iyo kuwa kale oo u hawlgalaayey waddamadii wax gumeystey ee reer Yurub.

Taariikhda sidaa ku timid ma ahan mid lagu saleyn karo ama ka tarjumeysa sida ay wax u jireen. Marka hore joogitaankooda wuxuu ahaa muddo aad u yar sidaa awgeedna qoraalkooda wuxuu ku saleysanyahay wax loo sheegey iyo waxa ay arkeen muddadaa gaaban. Midda kale qoraalkooda waxay ugu talagaleen akhristayaasha dalkooda wax walbana waxay ku eegayeen oo u barbardhigaayeen dhaqankooda. Sidaa awgeed qoraaladaas ma ahan kuwo lagu saleyn karin taariikhda ummadda Soomaliya. Malaha waxay wax u tahay cidii aan taarikhdooda dhowran!

Baardhere waxay taariikhda Soomaliya kaga jirtaa meel gaar ah. Maahan oo keliya in ay leedahay taariikh dheer, waxaase la yaqaanaa markii la asaasey, ciddii asaastey iyo ujeedadii loo asaasey iyo cidii soo hoggaamineysey maalintii la asaasey ilaa maanta. Waxay lehayd maamul habeysan imaanshaha gumeysiga ka hor. Marka Baardheere waxay leedahay silsilad taariikheed taxana ah, taasna baardhere oo keliya ayey u gaar tahay marka laga hadlaayo taariikhda Soomaaliya.

Ayadoo ay sidaas tahay ayaa haddana wax badan laga aqoon taariikhda Baardhere, taas oo u baahan cilmi baaris-dheer iyo in la soo ururiyo oo la isu keeno taariikhdaa dhaxalgalka ah oo Soomaaliyeed.

Haddaba waxaan akhrisytayaasha shabakada baardhere ku dhiirigelinaynaa in ay noo soo gudbiyaan culuunta ku saabsan taariikhda baardhere wixii ay ka oggyihiin. Shabakadan baardhere.com oo weli bilow ah waxay ka shaqeyneysa ururinta iyo baahinta culuunta taariikhda dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee Baardheere iyo Soomaaliya. Waxaana aad u daneyneynaa wax kasta oo ku saabsan cinwaankaas aan soo sheegnay.

Dr Omar Abdurahman
Shabakadda Baardhere.com


webmaster@baardhere.com
href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com