Gudoomiyaha jaaliyada D&M Aw Maye Maalin Abdiyow oo  u duuley magaalda muqdisho

 

Jeddah, 07-August-2007@[Baardhere.com]   Wafdi uu hogaaminaayo gadoomiyaha jaaliyada digil iyo mirifle mudane Aw Maye Maalin Abdiyow ayaa u duuley magaala madaxda soomaaliya ee muqdhiso si ay ugu qeeb galaan shirka dib u heshiisiinta  beelaha soomaaliya. 

 

Bishii julaay ee la soo dhaafey shir lagu qabtey  safaarada soomaaliya ay ku leedahay dalka sacuudiga ayaa waxaa soo gaarey casuumaad 5 qofood ah oo ugu qeebgala shirka dib u heshiisiinta beelaha soomaaliya ka jaaliyad ahaan.

 

Shanta qofood ee la magacaabey ayaa waxaa ka mid ahaa Aw Maye Maalin Abdiyow oo ah  gadoomiyaha jaaliyada D&M ee ku dhaqan dalka sacuudiga kuna masalaayo magaca digil iyo mirifle.   

 

Cumar Mursal Yaxye (Cumar Bongo) oo ah ku xigeenka gadoomiyaha jaaliyada D&M islamarkaana sii haya xilka gudoomiyenimada ilaa inta uu ka imaanaayo gadoomiyaha  ayaa ka waramey dhib-u-dhaca guddoomiyaha inay ahayd sababo dhinaca farsamada ah. 

 

Cumar Mursal (Boongo) " guddoomiyaha wuxuu u baxay inuu shirka ka qeybgalo sidoo kale  waxa uu sidaa qoraalo ka soo baxay jaaliyada D&M ee jiddah ku dhaqan  wuxuuna u gudbinayaa madaxda  sarsare ee DFG ka iyo dhamaan mudanayaasha ku abtirsada beelaha digil iyo mirifle".

Maxamed Nuur Ibraahim (Aasto)
nuuraasto@buurhakaba.com
BMC: Jeddah Office, KSA


webmaster@baardhere.com
href="http://www.baardhere.com">

www.Baardhere.com