![]() Wax isweydiin ma xumee: Horta Baardhere maxaa ku dhacay? Talaado, 27.June.2007@(Baardhere.com) Cinwaankan kor ku xusan waxaan ku soo qaadan doonaa maqaalo taxane ah oo aan isku weydiinayno isla markaana aan ku faaqideyno xaaladihii ay soo martey degmada baardhere iyo halka ay manta ku sugantahay! Xaaladahaas oo noqon kara kuwo saameeyo taariikhda, dhaqanka, dhaqaalaha, bulshada, siyaasadda iyo guud ahaan noolasha faracyadeeda kala duwan. Sida aad ogtahay akhristow ama aad kala socototid website-kan, Baardhere waxay soo martay taariikh iyo xaddaarad weyn. Waxayna ka mid ahayd degmooyinka ugu magaca dheer koonfurta Somalia. Waxay tartan kula jirtey tusaale ahaan demada Baydhabo hoggaanka gobolkii Jubbada sare (oo ka koobnaa Baydhabo, BuurHakaba, Luuq, Diinsoor, Xuddur iyo Baardhere). Waxay degmooyinka kaga horeysey siiba xagga dhaqaalaha (wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo ganacsiga, waxbarashada (xagga diinta iyo iskuulada) iyo midda ugu muhimsan nabadda iyo kaladanbaynta. Tartan ay Baydhabo ama Kismayo la tartanto iska daayee, waxay baardhere manta la ciirciireysaa in ay ka gaabiso degmooyinka la abuurey dhowaan! Degmooyinkan in aay horumaraan waa wax aad lagu farxo, misna akhristaha sharafta lahow, Wax isweydiin ma xumee: Horta Baardhere maxaa ku dhacay? Waxaana akhristow kaa codsanayaa inaad iigala qeyb gashid faaqidaada cinwaankan muhimka oo aad aragtidaada ka soo dhiibatid mawduucan. Waxaana rajeynayaa in aan qeexno duruufaha iyo dhibaatooyinka jiri kara si aan akhriistayaasha ugu iftiimino xaaladahaas jiri karta iyo sidii xal loogu heli lahaa! Wabillahi Towfiiq
Omareey Abdurahman |